Ramadaanka Iyo Sadaqada

ramadaaanka iyo sadaqadaRasuulka Allah (scw) ayaa isagoo muslmiinta ku dhiirgelinaya wax bixinta cadeeyay in sadaqadu ay u bakhtiiso denbiyada sida biyuhu u bakhtiiyaan dabka.   Wax bixinta iyo sadaqadu waxay qofka ka ilaalisaa belaayada iyo dhibaatooyin. “ Sadaqadu waxay hor joogsataa 70 dhinac oo qofka xumaan kaga imanayso”

Caa’isha (RC) Umul mu’miniin , oo sooman ayuu miskiin cunto weydiistay, waxaana u yaalay wax yar oo kimis ah.  Inantii la joogtay ayay ku tidhi sii miskiinka Kimistii inoo taalay. Inantii ayaa ugu jawaabtay  Caa’sha wax kale oo aad ku afurtaa kuuma yaalaan.

Caa’isha (RC) ayaa ku tidhi waa rune iska sii miskiinka. Arinkii oo sidaasi ah aya markii ay casarkii ahayd Neef adhi oo hadyad ah naloo keenay.  Markaasi ayay tidhi cun kan ayaa ka wanaagasan waxaan bixinaye. Qofka wax bixinaya waa inuu lahaada kalsooni fog oo uu ku qabo Allah (sw).

Waxay wejiga nabaro waaweyni ka soo bexeen Sh. Abuu C/laahi  oo qoray Kitaabka Al-mustadrik , isagooo sanado qabay xanuunkan. Muslimiin badan ayaa u ducaysay, laakiin weli ma bogsan. Muddo danbe ayuu gurigiisa hortiisa uga qoday Muslimuunta Berked biyaha lagu shubo oo ay ka cabaan. Todobaad intii aanay ka soo wareegiin ayuu wejigii u bogsaday oo uu noqday mid qurux badan.

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *