Ragga Xanaaqa Badan Waxaa Ku Dhaca Dhiig Furanka Maskaxda Dumarkana Cimri Ded Deg

xanaaqa badanRagga xanaaqa iyo qaylada badan ayaa waxay halis u yihiin in uu ku dhaco xanuunka la yiraado “stroke” dhiig furanka maskaxda. Dhinaca kale dumarka xanaaqa badan ee kulkulul ayaa wax ku dhaca cimri deg deg. Arintana waxa lagu soo bandhigay cilmi baarid ku saabsan xanuunka “Stroke”

Istaroogu waa marka dhigga maskaxda ku socda uu ka xirmo. Arrintani waxay dhacdaa marka xinjiro dhiig ahi xiraan xididada dhiigu maro ama marka ay qarxaan xididada dhiiga ee maskaxdu.

Marka xididada dhiiga ee qaada hawada ogsijiinka (oxygen) iyo nafaqada ay gaarsiin waayaan maskaxda, iyada oo ay gufeeyeen xinjiro dhiig ahi, ayaa waxaa dhinta unugyada maskaxda. Daqiiqado gudahood ka dibna waxa dhaca Istaroog. Sidaas darteed ay muhiim u tahay in si deg deg loo daweeyo qofka.

Daraasadan cilmi baarista ahi waxa kale oo ay sheegtay in ragga carada badani 10% in ka badan ay khatar ku jiraan, marka la barbardhigu ragga aan carada badnayn in uu ku dhaco waxa la yidhaahda Ateriyaal Fibrilayshan afka qalaadna lagu yidhaahdo (Atrial fibrilation) oo ah wadanaha oo isku dhex yaaca, waxayna kordhisaa khatarta Istarooga.

Ragga dab shidka ah ee colaada huriya ee isla markaana xaqira dadka kale 30% waxaa laga yaaba in uu ku dhaco Ateriyal Fibrilayshan marka loo eego ragga deggen ee nabada jecel.

Sababta ragga carada badani ay halis ugu yihiin Ateeriyal Fibrilayshan ayaa waxay tahay, in qaybaha sare ee wadnaha oo aan sidii la rabay uu saarin dhiigga , taasi darteed ayaa wadnaha waxaa ka buuxsamaa dhiig, kaas oo sababi kara in ay samaysmaan xinjiro gufeeya xididadii dhiigu maraayey, ka dibna keena Istaroog.

Ragga waxa ku jira kuwo ka xanaaqa wax aan macno lahayn ama sabab la’aan u xanaaqa. Waxa kale oo waliba ku jira ragga kuwa ka xanaaqa wax aanay waxba ka qaban karin. Waxa kale oo waliba ku sii jira kuwa aan ogayn waxa ay samaynayaan marka ay xanaaqaan.

Hadaba waxba kuma jabna in qofka uu xanaaqo, laakiin waxa xun marka qofka aanu ogayn waxaa uu samaynaayo. Qofka waa in uu ka fikiraa khasaaraha iyo faa´iidada ka iman kara xanaaqiisa. Waxaa la yidhi “Ka fiirso inta aadan falin”

Waxa jira buugaag la akhristo oo sheegaya sida loo yareeyo carada. Waxaa kale oo la helaa khubarro ku takhasusay habka loo maamulo carada (anger management).

Xigasho: British Medical Journal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *