Waxyaabaha Caawiya In Timaha Gadhka Ee Ragga Ay Si Fiican U Baxaan

In kasta oo rag badani ay gadhka sidiisaba ula col yihiin, shaqo maalmeedkoodana ay ka mid tahay in ay joogto u xiiraan, haddana waxaa jira kuwo badan oo sababo kala duwan u jecel in gadhka ay deystaan ama qaybo ka mid ah ka tagaan, sida la ogyahayna muddooyinkan dambe gadhka oo la’ la baxaa waxa ay ka mid tahay xarrakada casrigan. Si kastaba ha ahaato ee raggan gadhka deysta in badan oo ka mid ah waxaa warwar ku haya, timaha gadhka ka soo baxa oo aad u tiro yar.

Waxa ay khubaradu aaminsan yihiin in arrintani ay hidde tahay, waxa se ay sheegeen in ay jiraan siyaabo loola tacaali karo ama lagu badin karo timaha gadhka.

Qormadan oo aynu ka soo xigtay Al Fajr Tv, ayaa Aalaa’ Saalax oo ku xeeldheer caafimaadka maqaarka iyo qurxintiisu waxa uu ku soo bandhigayaa talooyin muhiim u ah nin kasta oo donaya in uu fiicnaado koritaanka gadhkooda iyo in uu cufmo ugu yaraan boqolkiiba 50. Talooyinkaas oo aynu Afsoomaali usoo rogaynayna waxa ay yihiin:

Saliidda Qumbaha:

Hababka kaa caawin kara in gadhkaaga timihiisu cufmaan waxaa ka mid ah in aad si joogto ah gadhka ugu duugto saliidda Qumbaha.

Liin dhanaan iyo Qorafal:

Isku dar malqacad ah qolafal (qorfe) budo laga dhigay iyo laba malqacadood oo yaryar oo ah muudka Liin dhanaanta, kadibna inta aad gadha oo dhan mariso ku daa, muddo 20 daqiiqo ah, illaa uu ku qallalayo. Markaa kadib kaga baydh biyo qabow, haddii aad muddo toddobaadkii kastaba laba maalmood sidaa yeesho waxa ay timaha gadhku noqonayaan kuwo cufan.

Saliidda Lawska iyo saliid saytuun:

Mar kasta oo aad gadhka xiirto waxa aad isla markaba halkii gadhka marisaa saliidda lawska oo aad ku dartay xaddi le’eg oo ah saliid saytuun, kadibna ku daa illaa ay ku qallalayso jidhka.

Saliiddani waxa ay maqaarka ka caawisaa in uu firfircoonaado wareegga dhiigga ee soo gaadhaya jirridda timaha, waxa aanay taasi sababaysaa in ay aad u baxaan, isla markaana bataan.

Toonta:

Haddii gadhkaagu uu leeyahay meelo bannaan oo aanay timuhu ka soo bixin, ama si teel-teel ah uu u baxo, waxa aad meelaha bannaan ku xoqdaa toon, kadibna ku daa muddo rubuc saac ah, waayo waxaa suurtogal ah in uu gadhkaaga hayo cudurka afka qalaad lagu yidhaahdo, Alopecia Areata oo sameeya boogo timuhu ka guuraan, haddii sababta timaha gadhkaagu meelo uga guureen cudurkaas tahayna toontu waxa ay ka mid tahay dawooyinka lagula tacaalo.

Waxa ay khubaradu sheegeen in toonta lagu xoqo, boogaha cas ee ay samaysana aan dhibaato loo arkin oo ay iska tegi doonaan, waxa se ay ku taliyeen in toonta marka la mariyo kadib jidhka lagu dhaashiyo wax dux u yeela, maadaama oo ay toontu qallajiso.

KAMAAL MARJAAN

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *