Muhiimadda Ay Leedahay Raali Galinta

Raali galin,

Umadda Soomaliyeed sida ay u badan yihiin raali galinta ma siiyaan xaqeeda oo way ku xad gudbaan, in ka mid ahi maba taqaan haba yaraatee raali–galinta iyo qiimaheeda taasina waa ta keentay in qoysas badani  ku burburaan waxaanay sakaaro ka biiqsan, beelona iskugu rogmadaan oo colaado dhex dhigta. Waa tiir ka mida tiirarka nolosha oo ay tahey in si fiican loo barto si ay xeegana xeego u noqoto, ilkana u nabad galaan.

Ilma Aadan baynu u nahey khalad, dhacdhac, deelqaaf iyo danqaaro. Waa buux wakhtiyo badan oo aad is tidhi raali galin bixi, waaney dhacdaa in lagaaba hoos qaadi waayo, tolow maxaa khaldan?, Qormadan waxeynu ku iftiimin doonaa wax yaabo badan oo sal u noqon kara in isla cagidiiba Raali galintaadu noqoto tu lagaa ogolaado laguna qanco.

Waxa ay cilmi baadhayaal arrinkan u kuur galey sheegeen oo cadeeyeen inay jiraan lix qodob oo u noqonaya raali galinta gogol xaadh wanaagsan, isla jeerkaasna ku dirqiyeysa in uu qofku kaa aqbalo raali galinta, Haddaba maxey yihiin lixdaasi?

Ma foga ee waxa ay kala yihiin:– Muujin inaad ka xuntahey waxii dhacey, fasiraad dhaba siduu khaladku u dhacey, ogolaanshaha inaad tunka u ridato wixii dhacey, balan qaadka inaanu khaladkaasi mar danbe soo noqon, muuji dadaal aad khaladkii ku saxeysid ugu danbeyna dalbo in lagu saamaxo.

Haddii aad lixdaba wada dhameystiri kari waydo waxa jira kuwo culeyskooda leh oo aan laga tagi Karin, sida ay cadeysay daraasad lagu daabacay negotiation journal and conflict management bishii April 12keedii.

  1. Kan ugu horeeyaana waa inaad qirataa inaad adigu khaladka leedahay
  2. Marka labaad waa inaad sameysaa fal celin muuqata oo aad ku saxayso khaladkii aad gashay oo aaney kaa noqon kaliya afka baarkiisa.
  3. Inaad raali galin iyo saamaxaad dalbato waa ta ugu muhiimsan isla markaasna ugu saameynta yar ogow af kaliya looma baahna ee hab dhaqankeeda ayaa muhiim ah in uu weheliyo.

Gabagabadii, raali galintu waxey door muhiim ah ka qaadataa wada noolaanshaha bulshada guud ahaanba, in si ixtiraam, wanaag, qadarin, dhibirsanaan iyo edeb leh oo hadal & fal bal eh in laysku raali galiyo waxey keenaysaa laab xaadhnaan iyo in gafku yaraado.

Luuqada jidhka ayaa in badan tilmaanta heerka ay raali galintaadu taagantahey, midna ila ogoow akhriste inaad Raali galin bixiso maaha mid lacag kaaga baahan, waa bilaash oo waxaad ku badbaadin kartaa xaalado badan ee haysku culeysin.

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *