Qurxinta Wajiga Dumarka Iyo Sanjabiisha

Waa dawo-guri dabiici ah waxaa loo adeegsadaa in lagu daweeyo xanuuno badan sida hargabka, madax xanuunka iyo wixii la mid ah. Sidoo kale sanjabiishu waxay leedahay faaidooyin badan oo dhanka quruxda ah waxayna ay aad ugu fiican tahay qurxinta wajiga dumarka iyo timaha.

Waxtarka dhanka quruxda ah ee sanjabiisha waxaa ka mid ah:

  • Sanjabiisha waxay yareysaa nabraha wajiga iyo finanka, waxayna wajiga ka dhigtaa mid jilicsan oo sabiibax ah.
  • Waxay iftiimisaa maqaarka.
  • Sanjabiishu waxay cusboonaysaa maqaarka, waxayna ka difaacdaa gabowga.
  • Sanjabiishu waxay korisaa timaha, waxay kordhisaa wareegga dhiiga ee madaxa taasoo muhiim u ah koritaanka timaha. Faytamiinnada macdanta iyo dufanka wanaagsan ee ku jira sanjiibasha waxa uu timaha ka adkeeya salka tasoo ka hortagaysa inay timuhuu daataan. Waxaad isku qasan kartaa saliid qumbe iyo sanjabiil kadibna timaha ayaad marsan kartaa, u daa 30 daqiiqo kadibna iskaga mayr biyo iyo shaambo.
  • Sinjibiisha waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican ee lagula dagaalamo agoolka. Waxaad isku darsan kartaa sanjabiil fresh ah iyo saliid macsaro kadibna madaxa marso adigoo u daynaya mudo 15 ilaa 25 daqiiqo ah.

Muuqaalkaan hoose ka daawo sida wajiga loogu qurxin karo waxaana soo diyaariya Hafza (Cooking With Hafza).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *