Qurxinta Iyo Nafaqaynta Timaha Si Dabiici Ah

Maanta waxaan hadlaynaa sida timaha loogu nafaqeeyo waxyaabaha dabiiciga ah ee kuu yaal jikaadada. Dawooyinka dabiiciga ma ahan oo kaliya inay raqiis yihiin balse way fududyihiin diyaarintooda iyo isticmaalkoodaba

Moos: mooska nafaqaynta timaha

Moosku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu wanaagsan ee loo isticmaalo qurxinta jirka waxaa ku jira Macdanta Potassium, vitamins iyo maadooyin anti-oxidants.

  • Potassium: waxay daawaysaa qalaylka iyo timo jajabka (damaged hair)
  • Vitamin A: wuxuu adkeeya halka tintu kasoo baxdo ee loo yaqaan tuubo u eke ee  maqaarka jirka ku dhexyaal, kaas oo afka qalaad loo yaqaan Follicle. Sidoo kale Vitamin A-gu wuxuu quudiyaa timaha qalalan.
  • Vitamin E. Wuxuu kobciyaa caafimaadka timaha iyo madaxa
  • Vitamin C. wuxuu dejiyaa saliida madaxa.

Si aad mooska timaha ugu nafaqayso waxaad u baahantahay:

2 xabo oo moos ah

1 qaado oo saliid qumbe ah

1 qaado oo saliid saytuun ah

1 qaado oo malab ah

isku wada shiid ilaa ay ka jilcaan kadibna madaxa si fiican u marso, sug ugu yaraan 5 daqiiqo ah, kadibna iska mayr.

 

Afakhaadho (avocado):afakaadho saliid saytuun

Faaidooyinka Afakaadhada waxaa ka mid ah inay ka hor tagto in timuhu daataan isla markaana ay kobciso koritaankooda. Afakaadhadu waxay hodan ku tahay fiitamiinada B iyo E kuwaasoo ilaaliya oo xoojiya timaha.

Waxaad i baahantahay:

1 xabo oo afakaadho ah

1 qaado oo saliid saytuun ah ama saliida lowska ah  (almond oil)

Koob barkiis caano ah

Afakaadhada shiid kadibna ku dar caanaha iyo saliida. Madaxa marso oo gaarsii ilaa salka timaha. Bac madaxa ku xiro adiigo sugaya mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo diirran iskaga mayr.

 

Yogurt:download (40)

Caanaha garoorka ah ee yogurt-ka loo yaqaan waxa aad ugu badan macdanta Calcium, waana mid ka mid ah waxyaabaha timaha sida fiican u koriya.

Waxa kaloo caanaha la fariisiyay ka buuxa barootiinka, waxaanay qofka si fiican caanahan u isticmaala timahiisu noqdaan kuwo jilicsan oo aad u qurux badan. Waxay xakameeyaan dufanka timaha.

Waxaad u baahantahay:

Koob barkiis yogurt ah

1 qaado oo khalka tufaaxa ah (apple cider vinegar)

1 Qaado  oo malab ah

Baaquli kuwada shub oo si fiican iskugu wada qas kadibna madaxa marso.

Sug 15 daqiiqo kadibna iskaga  mayr biyo diirran adigoo isticmaalaya shaambo

Check Also

biyaha bariiska, jirka iyo timaha, qurxinta

Ahmiyada Biyaha Bariiska Ay U Leeyihiin Jirka Iyo Timaha Dumarka (TIJAABO CILMI AH)

Bariisku waxuu cunto dhaqameed u yahay qeybo ka mid ah dunida, gaar ahaan wadamada Asia …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *