Qurxinta Iyo Nafaqaynta Maqaarka Jirka Xiliga Summer-ka

Waa qeyb kaloo xiiso badan iyo barnaamijkii cunto karinta ee Cooking With Hafza iyo qeybtii loogu talo galnay qurxinta iyo nafaqaynta maqaarka jirka.

Qeybtaan ayay Marwo Hafsa nagula wadaagaysaa sida ugu haboon ee maqaarka jirka loo qurxiyo xiliga xagaaga ama Summer-ka. Waxay soo bandhigaysaa waxyaabo dabiici ah oo marqaarka jirka ka ilaaliya waxyeelada qoraxda ama Sun Damage.

Alaabtaan ayaa ka kooban malab qajaar iyo caano garoor. Saddexdaan shey  waxaa la marin karaa noocyada kala duwan ee maqaarka waxayna leeyihiin faaidooyin badan oo dhanka quruxda ah waxaana ka mid ah:

Qajaarku waxaa uu qooyaa maqaarka, wuxuuna iskugu daraa dhaldhalaal, jileec iyo nadiif. Waxa uu si gaar ah ugu wanaagsan yahay jirka saliida leh, midka qalalan iyo kan qoracdu gubtay.

Caano garoorka dabiiciga ah, waxa uu qaboojiyaa jirka sidoo kale waxa uu takhalusaa haraga dhintay wuuna jilciyaa dubka.

Malabkuna waxaa uu waxtar aan lasoo koobi karin u leeyahay jirka. Waxaa uu maqaarka jirka ka dhigaa mid nuuraya.

Saddexdaan shey waxay ka badbaadinayaa dhibaatooyinka iyo waxyeelada qoraxda ee xiliga summer. Waxayna maqaaarka ka dhigayaa mid qurux badan oo caafimaad qaba

Hadaba halkaan hoose ka daawo sida fudud ee loo diyaarin karo loona marsan karo mask-haan cajiibka ah.

Ka faaidaysi wacan:

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *