QURUXDA QOYSKA: Astaamaha Waalidka Wanaagsan

Caruurtu waa quruxda lamaanaha isguursaday, lamaane kasta waxa ay jecel yihiin inay arkaan caruurtooda, ubadku iyo xooluhuba waa qurux ka mid ah quruxda aduunka taal. Ubadku waa quruxda qoyska. Ubadku waxa ay u baahan yihiin barbarbaarin wanaagsan, sida in lagu barbaariyo diin iyo dhaqan wanaagsan.

Barbaarinta caruurta waxay ka mid tahay hagaajinta bulshada iyo qaranka, hadii aad caruurtaada si wanaagsan u barbaariso waxaad wax wayn ka qabatay dhibaatooyin bulsho.

Waxaa muhiim ah in waalidku mararka qaarkood ilmihiisa siiyo hadiyado iyo in la abaal mariyo markay wax wanaagsan sameeyaan.

Sidoo kale waan in waalidku ilmihiisa u muujiyaa una sheegaa inuu jecel yahay, sababtoo ah waxaa uu dareemayaa inuu yahay qof nasiib badan.

Tilmaamaha lagu yaqaan barbaariyaha waanaagsan waxaa ka mid ah:

  • Waa inuu yahay mid naxariis badan. ubadku waxa ay u baahanyihiin naxariisa waalidnimo.
  • Cadaalad: waa in waalidku ilmihiisa cadaalad u sameeyo. Waa inaan loo kala eexan ubadka.
  • Waa inuu si wanaagsan ula dhaqmaa ubadkiisa oo ixisaan u sameeyaa.
  • Waa inuu yahay mid leh dulqaad badan iyo samir.

Muuqaalkaan hoose waxaa soo diyaariyay Samo Production waxaana u ka hadlaya barbaariyaha wanaagsan.

Daawasho wanaagsan

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *