Horumarinta Nafta iyo Is-bedelka Nolosha!

Nin dhalinyaro ah ayaa aad u niyad-jabsanaa. Sanad kasta wuxuu isku dayi jiray inuu is bedel sameeyo hadana waxba iskama bedelin noloshiisa, dhibaatadi heysay waxay ahayd sideedi, waxaana mar kasta ku kordhayay jahwareer & kadeed. Maalin ayuu wuxuu u tagay nin Khabiir ah, wuxuu uga sheekeeyay xaalkiisi.

Khabiirki ayaa ku yiri, “Ma garanaysaa inta sano ay qaadato inuu ku koro geedka Bamboo la yiraahdo noqdana mid aad u dheer?” Sanadka u horeeya marka la beero, waa la waraabiyaa waana la bacramiyaa, waxba iskama bedelaan. Waxaa la waraabiyaa hadana la bacramiyaa sanad kale oo buuxa, sida ayaana lagu wadaa saddex sano oo kale, waxba ma dhacaan, oo geedka waa sidiisi waxba iskama bedelin. Ka dib sanadka Shanaad wuxuu geedki isku shareeraa Cirka! Lix Asbuuc gudaheed Geedki Bamboo wuxuu kor u koraa 90 feet (27 meter).

Haddaba, intee bay ku qaadatay inuu sidaa aadka u dheer u koro? Wuxuu ninki dhalinyarada ahaa ku jawaabay, “Lix Asbuuc” Khabiirki ayaa ku yiri, “Taasi waa Khalad, Waxay ku qaadatay shan sano inuu sidaa u koro. Haddii qofki beeray joojin lahaa inuu waraabiyo, bacramiyo, ka shaqeeyo mar ka mid ah shantaa sano wuu dhiman lahaa geedka. Waxa dhacayay shantaa sano waxay ahayd; Dhulka hoostiisa shabakad weyn oo xidido ah ayaa ku sameysmayay si ay u taageeraan koritaanka Geedka bamboo.

Koriimadu waxay u baahan tahay dulqaad iyo mintid (kaladayg)! Dhibic kasta oo Biyo ah farqi ayay u samaynaysay, Talaabo kasta aad qaado raad bay reebtaa. Horay kama arki kartid is bedelka laakiin koriimo ayaa dhacaysa. Hada weydii naftaada…

Maxaad dooneysaa inaad sameyso si aad riyadaada uga rumeyso?
Ma dooneysaa inaad sameyso wax kasta ay kugu qaadato?

Ma doonaysaa inaad ficil sameyso mise fadhi iyo fikir baa ku jiraysaa?
Ma doonaysaa inaad iska saarto cabsida iyo shakiga?

Sidee buu yahay Iimaankaaga iyo Kalsoonida aad Alle ku qabto inaan naxariistiisa laga quusan?
Haddaba;
Go’aanso waxaad rabto
Alle talo Saaro
Ficil samee HADA!

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *