Qofka Oo Naftiisa La Sheekaysta Waxay Xoojisaa Awooda Xusuusta Maskaxda

Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Faransiiska ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in dadka xilliyada ay firaaqada yihiin naftooda kula sheekaysta ereyada iyo hadallada ay doonayaan in ay qaybaan ay maskaxdoodu ka awood badan tahay kuwa mar kasta dadka ku dhex jira ee aan isla hadlin.

Sida uu ku warramay wargeyska Al-Qad oo ka soo baxa dalka Urdun, cilmibaadhayaasha daraasaddan soo saaray ayaa tijaabooyin arrintan la xidhiidha oo ay arday ku sameeyeen waxaa ugu caddaatay in habka ugu wanaagsan ee qofku uu wax ku xafidi karaa ay tahay in marka hore uu cod kor ah ku akhriyo, kadibna marar dambe uu qofku isaga oo naftiisa oo keliya ah dib ugu celceliyo cod la maqli karayo.

Waxa kale oo khubarada tijaabooyinkan uga soo baxay in qofka naftiisa la sheekaysta ee ereyaa uu xusuustoodda doonayo kor isu maqashiiyaa uu ka xusuus badan yahay qofka hoos u akhriya iyo in si guudba mar kasta oo qofku uu helo waqtiyo uu naftiisa gaar ula sheekaysto ay taasi sii xoojiso xusuusta maskaxdiisa.

Dhinaca kalana Joornaalka Quarterly Journal of Experimental Psychology ayaa cadadkiisii bishii afaraad ee sannadkan ku qoray natiijada daraasad cusub oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadaha Pennsylvania iyo Wisconsin Madison ee dalka Maraykanka, taas oo daahfuray in qofku in uu cod dheer iskula hadlo aanu mar kasta macnaheedu ahayn in uu waalan yahay. Waxa kale oo ay daraasaddani caddaysay in marka la raadinayo shay lumay ama hore loo arki waayey ay inta badan hor heli og yihiin ama arki ogyihiin dadka shayga ay raadinayaan magaciisa ku celceliya iyaga oo kor u qaadaya hadalka.

Daraasaddani waxa ay sheegtay in qofka oo naftiisa cod la maqli karo kula hadlaa ay marar badan keento faa’idooyin dhinaca fahamka iyo xusuusta ah, korna u qaaddo awoodda u fiirsasho ee maskaxda.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *