Qof kasta Waxaa Heysa Dhibaato U Gaar Ah

Waxaa jiray Nin khabiir ah oo dadku jeclaayeen in ay talo u soo doontaan. Dadkaa waxay isugu jiraan nooc walba, dhalinyaro, Dumar hooyo ah, Odayaal, Gabdho da’ yar, kuwa is qaba, kuwa kaal tagay, iwm. Wuxuu isticmaali jiray Falsafad cajiib ah, hadba koox intuu Gees hoostii ku ballamiyo ayuu marki ay soo wada fariistaan oran jiray qof walba dhibta heysa haka waramo. Marki hadalki wada dhamaado qof kastana ka sheekeeyo dhibaatada, murugada, cabsida, welwelka, xanuunka iyo wax kastuu dareemayo ayaa dadku iska dareeri jireen ninki oo aan la hadlin sababtoo ah qof kasta wuxuu ka nixi jiray markuu dhageysto qofka kale dhibta heysata oo tiisa ka weyn! iyaga dhexdooda ayaana isu tacsiyeyn jiray!

Cilmi Nafsi ahaan sida aad ku garan karto in qof ay heyso dhib taada ka weyn, waa markaad qof uga sheekeyso dhibaatadaada adigoo talo ka raba ka dibna markaa dhameyso qofki ku yiraahdo walaal ama sxb iska dulqaado, iska sabir waa laga baxayaa! waxaad ogaataa in tii heysay aad ka darnaatay oo uu taada ku qaboobay.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *