Qodobo Ka Caawinaya Inaad Si Wacan Uga Faaidaysato Bisha Ramadan

Ka Faa’iideyso Bisha Ramadaan

1. Aqri Quraanka 4 bog Salaad kasta, go’aanso in aad Bishan dhameyso aqrinta Kutubta Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa

2. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Suxuurta ugu kacdo waqtigeeda, Salaada Subax ugu tukato Jameecada Masjidka

3. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, wax fudud. Ducayso, Alle dabi dhaaf weydiiso

4. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka si aadan u awoodi waayin in aad Cishe & taraawiix tukato

5. Wanaaji Niyadaada, Xooji Iimaankaaga, Carabkaaga bar xuska Alle

6. Laab indhahaaga, ha ku eegin wax macsi ah. Ka dhawrsoonow Allihi ku abuuray ee Aragaaga ku siiyay

7. Ka adkow Carabkaaga. Been ha sheegin, cidna ha xaman, dadka ha u gefin.

8. Ka fogow Kibir, Islaweyni, Xasad, Naceyb, Xanaaq badan, kuwani waa Sifooyin sun ah

9. Xiriiri Qaraabada, Booqo Bukaanka, Xaqdhawr deriskaaga

10. Ka har Asxaabta xun, la saaxiib dadka wanaagsan oo dhawrsoon. Marnaba macno darro iyo madadaalo ha ku lumin waqtigaaga

11. Cafi cid kasta aad wax ka tabanayso ama waxyeelo kuu geysatay. Jooji eedeyn iyo cabasho badan

12. Alle dartii u Jooji dhamaan balwadaha & caadooyin xun hadii aad leedahay. Alle ayaa kuugu bedelaya wax ka kheyr badan

13. Kula dhaqan dadka dabeecado iyo akhlaaq wanaagsan, Noqo tusaale lagu daydo

14. La bax Sadaqo maalin kasta. Ogow hadalka wanaagsan, walaalkaa aad u dhoolacadayso, dhib aad wadada ka leexiso intuba waa sadaqo

Xusuusnow: Ficilo yar yar oo aad si joogta ah u sameyso, hal tallaabo oo aad horay u qaado maalin kasta ayaa kugu hagaya wadada toosan, wadada horumarka, wadadi aad naftaada ku tarbiyadeyn lahayd.

W/Q: farah cawaash beeldaaje

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *