Qiso Qalbigaaga Taabaneysa

Nin ayaa xaaskiisi ku yiri, “Ka waran hadaan makhaayad cunto ka soo cuno?” Xaaski ayaa ugu jawaabtay, ‘Maya, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad haweeney kale weydiiso. Aniga Baar cunto ma kaala soo cunayo. Haweenay kale kaxee.”
isagoo yaaban ayuu yiri: “Maxaa sidaa u leedahay, anigu ma ihi raga noocaa ah. Yaa weeye haweeneyda kale aad ka hadleyso?”

Waxay tiri: “Hooyadaa. Maanta waxaan u diiday casumaadaada inaad Hooyadaa bedelkeyga kaxeyso. Waxaa ka soo wareegay waqti aad u dheer inaad hooyadaa meel isu raacdaan ee casun hooyadaa.”
Ninki ayaa jiriricooday wuxuuna ku yiri: “Allaha kaa abaalmariyo.” Wuxuu durbadiiba wacay Hooyadii. Wuxuu u sheegay inuu soo marayo ay wada lugeynayaan, soona wada cunteenayaan. Hooyadii ayaa rumeysan weyday in wiilkeeda mudada badan ka maqnaa ay afkiisa ka maqasho. Hooyadii waxaa ka buuxsamay farxad, waxay iyada u ahayd riyo rumowday. Wuu soo maray, way wada lugeeyeen, cunto soo wada cuneen. Ma daneynayn goobta ay tagtay & cuntada, waxa ugu muhiimsan waa in wiilkeeda uu naxariis & ihtimaam u miijiyay dhinaceeda, uusan hilmaamin, inuusan dayacin hooyadii xitaa isagoo mashquul ku ah shaqo, xaaskiisa & caruurtiisa. Waxay la qaadatay hal maalin taasoo uga dhigneyd maalin ka mid ah kuwa ugu farxada badan nolosheeda.

Markey soo noqdeen ayuu weydiiyay hooyadii inay faraxsan tahay. Waxay tiri haa wiilkeygiyow Alle ayaan ku dhaartee aad baan kuugu faraxsanahay adiga & reerkaagaba.

Wuxuu ugu jawaabay, “In Sha Allaah waqti kale ayaan sidan oo kale sameynayaa.”
Waxay tiri, “Maya, casumaada xigta aniga ayay iga imanaysaa.” Wuu ku waafaqay.

Usbuucyo & Bilo ayaa ka soo gudbay, aad buu mashquul u ahaa. Hooyadii way xanuunsatay, wayna dhimatay. Allaha u naxariisto.

Wiilki aad buu u murugooday. Maalmo ka dib Hudheelki cuntada ayaa soo wacay oo u sheegay in casumaad u taal isaga & xaaskiisa, casumaadaa oo mar hore la bixiyay. Isagoo yaaban ayuu is weydiiyay cida bixisay. Xaaskiisi ayay isu raaceen, waxaana loo dhiibay warqad looga tagay. waxay u qorneyd: “Wiilkeyga qaaliga ahaa, Allaha ku abaal mariyo, waxaan kugula ballamay inaan isla goobtan kugu casumo balse mashquul badan baad ahayd, ballanteydi ayaan fuliyay adiga & xaaskaaga ayaana idin wada casumay, hadaan annaga is arki weyno. Ducadeyda ayaa idin la jirta!”

Walaalayaal, qiimaha hooyada waa mid barakeysan. Ha ka careysiin weligaa. Ha dayicin. ha ka mashquulin. Ma aha inaan sugno marka hooyadu dhimato ama aan waalid noqono inaan garano qiimaha hooyada. Haddii Hooyadaa nooshahay la xiriir, waqti fiican la qaado, cafis weydiiso. Waad Guuleysanaysaa idanka Alle.
Waxaan rajeynayaa inaad wax badan ka faa’iido qisadan cajiibka ah

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *