QISO DHAB AH: Oday Xikmad Badan

Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado, waxaana raacay nin ay saaxiibbo ahaayeen. Odaygii waxa uu fadhiistay webiga dhiniciisa waxaanu daawanayey biyaha

qulqulaya quruxdooda, waxaanu sanka la raacayey saxansaxada iyo udgoonka ka soo baxaya biyaha xareedda ah ee soconaya iyo dhirta ku hareeraysan ee udugga iyo ubaxa badan.

Wuxuu si kediso ah u arkay Dibqallooc biyuhu sitaan, waxaanu doonay inuu badbaadiyo Dibqallooca, laakiin maxaa dhacay? Odaygii gacanta ayuu u fidiyey Dibqalloocii laakiin dibqalocii ayaa qaniinay! Wuxuu la soo noqday gacantiisi isaga oo qaylinaya oo dareemaya xanuun badan. Haddana mar labaad ayuu u fidiyey gacantii kale si uu u soo badbaadiyo, haddana gacantii kale ayuu ka qaniinay odaygii ayaa la soo noqday gacantii kale isaga oo qaylinaya oo gacantu aad u xanuunayso. Haddana kama quusane waxa uu ku dedaalay inuu soo badbaadiyo Dibqalloocii, waanu ku guulaysatay!

Ninkii la socday ayaa weydiiyay: “Oday Dibqalloocan aad isku mashquulisay ee ku dhaawacay dhowrka goor maxaa kugu kellifay waa ba cadaw ku cunayee inaad noloshiisa badbaadiso mar, laba, iyo mar saddexaad?

Odaygii xikmadda badnaa wuxuu yidhi inta uu garabka saaxiibkii gujiyay: “Saaxiib dhaqanka Dibqallooca waa inuu wax qaniino, anigana dhaqankaygu waa inaan debecsanaado, naxariisto oo dulqaato. Markaa ma oggolaanayo in dulqaadka, naxariista iyo debecsanaanta ay ka adkaato qaniinyada iyo cadhadu, maxaad se adigu u rabtaa in aan ku raaco dabeecaddiisa cadhada ah oo dabeecaddayda aan beddelo?”

Xikmadda Qisada

  •  In aan lagula dhaqmin dadka dhaqanka xun dhaqankooda oo kale.
  • In wixii xumaan ah ee cid kale kuu gaysato lagaga jawaabo wanaag.
  • In dulqaadku uu yahay ka badbaadinaya dadka kale ee kula dagaallamaya.
  • In ciddii ku qaniinta gacantaada aad ku siiso cuntada.
  • In ciddii qodax kuu daadisa adigu aad gogol u fidiso.
  • Ugu dambaynna, odaygan xikmadda badani waxa uu ina baray cashar la yidhaahdo “ciddii ku xumaysa wanaaji, ciddii sun ku siisa subag waraabi”.

Akhriste, is weydii dulqaadkaagu ma yahay mid aad cafido ciddii ku xumaysa, mise waxa aad jeceshahay mar kasta in aad ka aargoosato.

Bal aan isku dayno dhammaanteen in aynnu dabeecaddeenna wanaagsan kula dhaqanno ciddii ina xumaysa.

Waa inoo mar kale iyo qiso dhab ah.

Xuseen Jaamac Guudcadde

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *