Qiso Muhiim ah oo Dhexmartay Macalin iyo Ardaydiisa

Macalin iyo ardaydiisa ayaa waxa ay ku sugnaayeen makhaayad ( maqaaxi ) Shaaha laga cabo kadibna Macalinkii waxa uu jeclaystay inuu ardaydiisa baro Waayo aragnimada Noolasha in aan lagu soo koobi karin wax barasho laga qalin jabiyay balse qofkastaa looga baahan yahay inuu cashar ka qaato dhacdooyinka noolasha ,

Sidaa awgeed macalinki waxuu doonayay inuu ardaydiisa baro in aysan noqon qof isla weyn oo dadka yasa oo aan dhagaysan waayo mar marka qaar adigoo aqoon kasta yaqaan ayaad hadana u baahan tahay Talo qof waaya arag ah si aad u hesho xikmad adiga kaa maqan.

Hadaba macalinki si uu ardaydiisii cashar u siiyo waxa uu u yeeray Nin da’ ah oo maskiin ah waliba madaxa looga jiro oo makhaayadi ay iyagu fadhiyeen ka tuugsanaya, Ninkan da’da ah ee madaxa looga jiro iyo macalinkaba horray ayay uwada sheekeysteen oo waa nin uu garanayay ( yaqaanay ) macalinka.

Waxa uuna macalinki ogaa ninkan xanuunsan inuu hayo aqoon aysan garanayn ardaydiisa qaar kamid ah hadaba si’ uu utuso ardaydiisa waxuu u yeeray ninkii waalnaa waxa uuna ku yiri .
Kaalay inta nala soo fadhiiso anigaa shaaha kaa bixinaya ?

Ninkii maskiinka ahaana wuu ka aqbalay waxa uuna soo fadhiistay halkii ay fadhiyeen ardaydii iyo macalinkoodi .

Kadibna macalinkii waxuu ardaydiisii ku yiri

” Waxaan doonayaa maanta in aan idin baro xikmada noolasha in aysan u gaar ahayn dadka wax barta balse mar marka qaar ay tahay wax waaya aragnimada noolasha lagu dhex barto ”

Ardaydi qaar kamid ah ayaa macalinki waxay ku yiraahdeen .
” Macalin ninkan waalan miyaad lee dahay waxbuu faa iidaynayaa , hadiiba uu qof u faa’ iidaynayo isagaa wax isku fali lahaa oo sidaan ma ahaadeen ”

Macalinki waxuu ugu jawaabay .
” Cudurka iyo caafimaadka Alle ayay gacantiisa ku jirtaa , Caqliga iyo caqli daradana alle ayaa ciduu doona siiya qofna siduu yahay ma uusan dooran ee alle ayaa u doortay inuu sidaa noqdo , waxaanse doonayaa in aan su’aal idin waydiiyo , su’aashaal oo aan horay u waydiiyaay Ninkan miskiinka ah jawaabteeduna aan ku qancay idinkana waxaan eegayaa sidaad iigu jawaabtaan ”

Intaa kadib ardaydii waxa ay yiraahdeen
” Na waydii su’ aasha Macalin kolay su’aal uu ninka jawaab u helo anagu jawaab uma wayn doono ”

Kadib macalinkii waxa uu ku yiri :

Waxaad ii sheegtaan Kalmada ama Erayga SHAAH goormuu Shaah noqdaa ??

Mid kamid ah ardaydii ayaa waxuu yiri .
” Macalin shaah waxuu shaah noqdaa marki aad haysato oo aad isku darto caleen iyo sonkor iyo biyo iyo dab aad ku kariso ”

Macalinki waxuu ugu jawaabay ardaygii
” Jawaabta wali ma aadan haleelin ee yaa kaloo isku dayaya ”

Arday kale ayaa waxuu yiri :
” Macalin shaahu waxuu shaah noqon karaa marki aad dhadhankiisa ka hesho amaba aad dhadhamiso oo ogaato inuu shaah yahay ”

Macalinkii waxuu mar labaad ku jawaabay :
” Jawaabta sidaa ma ahan ee yaa kaloo isku dayi kara ?

Arday kale ayaa hadana isku dayay waxuuna yiri .
” Macalin shaahu waxuu shaah noqdaa markii uu kariyo qof wayn oo aqoon u leh shaaha misana uu udhamaystiro wixii uu ubaahnaa shaaha .

Mar seddexaad ayuu macalinkii yiri :
” Jawabta su’aasha sidaa ma ahan ee yaa kaloo haya jawaab intaa ka duwan ?

intaa kadib ardaydii way iska aamuseen oo qaarkood ayaa macalinkii su’aal ku celiyaay oo yiri :
” Macalin bal hadii aad adigu jawaabta nasiin karto way fiicnaan lahayd ”

Macalinkiina waxa uu ku yiri ardaydii :
” Jawaabta anigu idinma siinayo balse waxaa idiin kaga jawaabaya ninkan aad ku tilmaamteen inuu yahay qof aan waxba fahansanayn ”

Kadibna macalintii waxuu isla su’aashii waydiiyay Ninkii madaxa looga jiray kadibna ninkii waxa uu ku jawaabay sidan :
” Waxuu yiri Aniga erayga shaah waxuu shaah ii yahay marki aan Aniga u garto ”

Ardaydii qaar kamid ah ayaa ku qoslay jawaabtii Ninkii maskiinka ahaa waxa ayna macalinkooduu ku yiraahdeen :
” Macalin soo kuuma aanan sheegin ninkan inuu iska hadlayo uusan waxba la socon ”

Macalinka waxuu ugu jawaabay ardaydii :
” Ninkan aad arkaysaan waxuu idiin sheegay jawaabta saxda ah ee ku habboonayd su’aashii aan idin waydiiyay taasoo ahayd kalmada shaaha layiraahdo goormeey shaah noqotaa balse idinku waxaad isku daydaan in aad iigu jawaabtaan sidii in aan idin waydiiyaay ” Shaaha noocee ah ayaad jeceshihiin ” balse Ninkaan waxuu gartay su’aasha aan waydiiyaay sidaa darteed baa waxaa u sahlanaatay inuu jawaabta si fudud ku helo .

Idinkuse waxaad isku qaladeen anigu idin ma waydiin in aad ii qeexdaan shaaha iyo waxa uu ka kooban yahay iyo sida loo sameeyo iyo cida laga rabo in ay samayso balse waxaan idin waydiiyay kalmada ama erayga shaah goormuu shaah noqdaa !! sidaad lawada socotaan dunida waxaa ku nool balaayiin dad ah oo kala luqad ah oo kala dhaqan ah oo aan isku medeb ahayn oo aan isku diin ahayn waliba ku kala nool wadamo aan isku cimilo ( jawi) ahayn balse mid waliba waxuu leeyahay Kalmad uu garanayo amaba ay u baxsadeen Erayga aad idinku u taqaanaan Shaah, waxaana dhici karta shaaha sidaad adiga u samaysato in aysan iyagu u samaysan waxaa dhici karta shaaha ay iyagu karsadaan in uusan u dhadhamayn sidaad adiga shaaha u karsato hadii ay noqon lahayd caleenta aad u isticmaasho , sidaad sokorta ugu darsato iyo wax yaabaha carcarfiska ah ee aad ku darsato,

Hadaba isku soo wada duuboow erayga shaah waxuu adiga shaah kuu noqdaa marki aad adigu u aqoon sato inuu yahay shaah waayo marka koowaad erayga shaah kalmadaa adigaa u baxsaday oo dad badan ayaa u garanaya magac taa ka duwan marka xigta dhadhanka iyo waxa aad u isticmaalaysidna adigaa u doortay oo waxaa jira dad badan oo aysan ugu dhadhamayn shaaha sida uu adigu kuuugla dhadhamayo.

Run ahaantii ninkan aad aflagaadayseen waxuu u hadlay si caalami ah idinkuse waxaad u hadasheen si gaar ah oo waxaad wixii oo dhan ku cabirteen sidaad idinku u doonaysaan inuu noqdo shaaha balse ninkaan waxa uu bixiyay jawaab dadka oo dhan ku filan waxuuna fursad siiyay cid kasta in ay iyadu go’aanka leedahay oo aan loogu qeexin sida ay adigu kuugula muuqato waana hadal Qof waaya arag ah amaba caaqil ah uu fahmi karo ”
DHAMAAD:

Hadii aan seddex arimood oo muhiim ah ku soo koobo faa’iidada qisadaan waxa ay noqon karaan sidan.

1- Waxaa la yiri caaqilka carabkiisa waxuu ka shisheeyaa caqligiisa oo inta uusan hadlin ayuu ka fikiraa waxa uu ku hadli lahaa. Doqonkase carabkiisa waxuu ka soo horeeyaa caqligiisa oo markii uu wixii uu doono sheego kadib ayuu is waydiiyaa. hadaba iska ilaali in aad hadalka la dag dagto adigoon ka fiirsan waxaa la arkaa inbadan si aadan filayn in aad khalad ugu dhacdo.

2-Hadii ay dhacdo in aad go’aan ka qaadato arin ummad dhan ka dhaxaysa marna ha isku dayin sidaad adigu jeceshahay in aadan ku xukmin dadka intiisa kale ee waa in aad tixgelisaa aragtida dadka kale oo aad u hadashaa si dhexdhexaad ah oo daacadnimo ku dhisan.

3- Jooji isla waynida oo dadka ha quudhsan ( ha yasin) waxaadna ogaataa aqoontaada mar waliba in aysan kugu filnayn ee aad u baahan tahay xikmad ruux waaya arag ah , Mar marka qaarna waxaaba dhacda ruuxa aan aqoon lahayn balse waaya arag ah oo alle caqli siiyay inuu keeno maskax ama aragti uusan keeni karin ruuxa aqoonta leh , Taa macnaheeduna waxa ay tahay xikmada iyo fahanka iyo tala bixintaba waxay ku jirtaa gacantii alle ciduu doono ayuuna siiyaa.

Ugudambayntii waxaan Alle (SW) waydiisanaynaa inuu qalbigeena ka saaro isla wayni iyo xaasid nimo iyo inuu qalbiyadeena isku furo oo aan noqono ummad is jecel oo isku naxariisata oo keeda liita garab qabta . Aamiin

Intii aan saxay Allah ( SW ) ayaa i waafajiyaay , Intii aan khaldayna Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .

Via: Dhalinta Maanta

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *