Qiso Jaceyl Oo Faaido Badan, Wuxuu Yiri:

Nolosheena waxee bilaabatay anagoon is aqoonin waxaan ku dhalanay meelo kala fag waligeen ismaanan arkin, balse awooda ALLAH ayaa aduunyada nagu kulmisay aragtideeda waa ku faraxday anigane sidoo kale aad baan ugu farxay, ka helitaan iyo jaceyl fara badan kadib waxaan go’aan ku gaarnay Inaan is guursano oo aan mid noqonaa, hadaba waxaa Muhiim noloshaas dhabta ah micnaheeda inaan wada garano Guurka kadib waxa imaan kara:

Waxaan u baahanahay waa inuusan fashilmin guurkeena iyo balanta aan ALLAH la galnay oo ah inaan isku baari noqonaa.

guurka maalinka uu dhacayo dadka wee faraxsanyihiin balse aniga waa murugsanahay oo waxaa La i saaray masuuliyad aad u weyn oo ah qof aniga nafsadeeda oo kale leh inaan u ahay U adeege “shaqaale” waxaa waajib igu ah inaan meel saaraa waxad xiran laheed waxaad cuni laheed iyo Wax walba oo farxadaada ku xirantahay Taasne aad ayee u adagtahay waana mida badanaa ee ku fashilmaan raga Qaar, waxaa ii furan hal wado oo ah inaan kaa dhigtaa xigaal sida Indhaheyga oo kale ah oo aan wax ku arko, midaas oo ka dhigan Inaan ahay Ruux an la’aantaa shaqeen karin sababtoo ah Indha la’aan lama shaqeen karo.

waxaa u baahanahay 4 waxyaabood inan helnaa 1.sabar  2.go’aan adag 3.Naxariis 4.xal (wax walba inan isla xalinaa)

1.sabar: waa inan kuu sabraa marka aad dhibaateesantahay sida marka aad uurka leedahay marka aad xanaaqsantaahy. adiga waa inaad sabartaa xiliyada aan murugsanahay ama xanaaqsanahay si dhexdeena uusan u imaanin khilaaf

2.go’aan: wa in uu Go’aankeenu ahaado Mid aanan ku burbureyn si fudud
go’aankeena wuxuu Noqon doonaa inaanan kala tagin ilaa geerida (dhimashada) nakala geysaa mooyee

3.Naxariis: waa inan isku naxariisana si ALLAH uu noogu Naxariisto qaasatan marka aad xanuunsantahy marka aan labadeena xaaladaha dhiban ku jirno waa inan is dareemsiina naxariis taasoo ka dhigan jaceyl aad u weyn inaan isku qabno

4.Xal: waa inaan xalina wax walba oo xumaan ah oo dhexdena ama familkeena soo dhex galo si wada jir ahan caqli ku dheehanyahay si aan u ilaashano Mustaqbalka ifaayo

waxaa Maalinkaas guurkeena ah kuu balan qaadaa inan kuu noqonayo sidii qeyb jirkaaga ka mid ah oo aan kaa maarmin adigane aadan ka maarmi karin.

nolosheena waxa muhiim inoo ah farxad iyo inan isku qanacsahay  waxaa kaloo muhiim ah waalidka na dhalay ee Intaan nasoo gaarsiiyay waa inan ku dadaalnaa farxadooda oo daqiiqad walbaa madaxa ee noo saarnaadaan si aan u helno caruur baari ah. hooyadeey waa sida hooyadaa oo kale Waalidka waa inan u noqona sida Diinta islaamka ee na fartay waana hubaa inaan kasoo baxeeno oo aanan dayici doonin Insha allah

dhabtii hadafka Nolosha aad ka leedahay wa kugu garab istaaga si aad usoo taabato meesha aad hiigsaneesid anigane ma dhaqaaqi karo la’aantaa waa Inan gacmaha is qabsanaa si aan u jabinaa darbiga ku xeen daaban wadada mustaqbalkeena, waxaa ii muuqdo nolol iftiimeesa iyo guri aad u qurux oo hooyo aad qurxan dhex joogto iyo aabe aad bashaash u ah kuwaas oo gacmaha ka haayo caruur indhahaaga e la dhacaayaan afkooda aan kasoo baxeenin hadal xumaan ah ilaa wanaag ma ahane.

subixii salaada ayaan kuu kicin doonaa markaan tukanaa waxaa u cararayaa shaqada anigoo hamigeegu yahay inaan familkeyga taageero Inta aan shaqada ku jira hadii aan helaa fursad yar waan kusoo wici doonaa anigoo rabo inan xaalada gurigeyga ogaado marki aan shaqada ka imaadaa waa inan ku saacidaa sidii waxii loo baahanyahay aan u dhameestiraa.

Mudo kadib caruurta qurxda badan ee aan wada dhalnaa ee dhinac adiga kaaga eg dhinacne aniga iga eg ayaa u balan qaadi doonaa si wada jira inan tarbiyadooda iyo farxadooda ka shaqeenaa Labadeena qofki fursad u helaa carurtaas inuu ku dadaalo si berito aan u helnaa kuwa aan harsano.

hadaladaas qurux badan ee isoo jiitay waxaa lahaa Khalid_yasir oo hadalkaas qoray maalin ka hor arooskooda.

waa jeclaa lahaa inaan aragno Soomaali sidan sameeneeso

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *