Qiso Cajaai’b leh!!!

Lamaane dhalinyaro ah ayaa u guuray xaafad cusub. Subixi u horeeyay, iyagoo quraacanaya ayaa haweenaydi waxay daaqada ka aragtay haweenay deriska oo dhar ay dhaqday xariga ku saareysa, waxay bilawday inay wax ka sheegto iyadoo leh “Dharku nadiif maaha, ma taqaan sida saxda ah ee wax loo dhaqo. Waxay u baahan tahay Qasaalada dharka lagu dhaqo ama saabuun fiican”
Ninki wuu iska aamusay, wax faallo ah kuma darsan.

Mar kasta oo gabadhaa deriska ah dharka ay dhaqday xariga saarto, waxay iyaduna bilaabi jirtay inay wax ka sheegto.
Bil ka dib, ayay haweenaydi la yaabtay inay aragto dhar nadiif ah, si fiican loo dhaqay, oo xariga saaran, waxayna ku tiri Saygeedi, “Eeg! Tii sida saxda ah ee wax loo dhaqo ayay baratay. Waxaan la yaabanahay cida bartay”

Ninki ayaa ugu jawaabay, “saaka ayaan aroorti hore kacay, ka dibna waxaan dhaqay daaqada aad wax ka eegi jirtay oo aad u wasaqeysnayd!!”

Noloshu waa sidan oo kale: Wixi aan ka aragno dadka iyo wixi aan ka sheegno waxay ku xiran tahay nadiif ahaanshaha daaqada aan ka eegno. Micnihi qofku intuusan cid kale eegin ama wax ka sheegin in uu naftiisa nadiifiyo, Qalbigiisana saafi ka dhigo!

W/Q: farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *