Qiso Aad Qalbiga U Taabaneysa

Wuxuu dhalay afar caruur ah, wuxuu ahaa nin dan yar ah. Wuxuu rafaad badan u maray siduu u korin lahaa, Waxbarashana u heli lahaayeen. Isagoo uurka ka gubanaya ayuu afka uga dhoolacadeyn jiray sii uga ilaaliyo inay wejigiisa murugo ka aqristaan. Maalmaha qaar waxa yar uu soo helo ayuu cunto ugu soo iibin jiray, isagoo u baahan ayuu ku oran jiray anigu waan soo cunay ee ilmahaygi ii dherga si uu uga ilaaliyo inay gaajo ku seexdaan. Hadafkiisa Nolosha wuxuu ahaa naftana ku qancin jiray inuu isagu dhidhidka ka dhimaado, dhib kastana maro laakiin aysan caruurtiisu dayac iyo daryeel xumo helin.

Kolki caruurti weynaadeen, ayuu Aabihi halki guri uu lahaa, oo ku qaadatay inuu sanado badan dhiso si aysan kiro ugu korin, u iibiyay kuna dhoofiyay. Waxay kala aadeen wadamo kala duwan, waxay qaar ku mashquuleen shaqo, guur iyo guri sameyn, qaarki kalena baashaal iyo arrimo Bulsho.

Odaygi oo da’ iyo duqnimo haleeshay ayaa maalin telefoonkiisi gacanta u qaaday halka lagu hagaajiyo. Farsamayaqaanki ayaa u sheegay inuusan telefoonka waxba ka qaldaneyn oo uu shaqeynayo.
Ninki Waayeelka ahaa oo indhihiisa ilmeynayaan ayaa yiri: Haddaba maxay Caruurteydi ii soo wici waayeen!!!?

Marnaba ha ka mashquulin waalidkaa. Ma jirto cudurdaar aad u heli karto inaadan xiriir la sameyn. Kaama aysan tegin markaad yareyd oo u baahneyd, ha ka tegin goortii ay gaboobeen.

Allaha naga wada yeelo kuwi Waalidkood Baari u noqda, kana duceysta. Allaha u naxariisto inta Aabahood dunida ka tagay oo ka sii hormaray, Allaha cimri dheer iyo caafiaad buuxa u siiyo inta Aabahood u noolyahay.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Weedho Xikmadaysan

1. Ma joojin kartid carabyada (hadalada) dadka laakiin ha u oggolaan carabyada (hadalada) dadka inay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *