Qisa Yar oo Kooban Balse Macno Wayn Xambaarsan !!

Saadi of Shiraz oo ahaa gabayaa caan ahaa waxa uu yiri :

” Marnaba kama aanan murugoon noolasha iyo dhibaatooyinkeeda marki laga reebo hal maalin oo aan soconayay aniga oo caga-cad
( cagaagan, Kabo la’aan ah ) kadibna waxa aan arkay Joog kabo ah, Waxaanse awoodi waayay in aan iibsado , Balse marki aan gudaha u galay masjidki waynee ee Kufah waxa aan dareemay qalbi xanuun iyo murugo waayo waxa aan u’ ooynayay in aanan haysan kabo balse waxa aan arkay nin aanba Lugo lahayn ”

Run ahaantii Noolasha waxaa ka buuxa wax yaaba badan oo nafarxad galinaya balse qofku waxa uu dareemaa nimcooyinkaa faraha badan ee alle uu ugu deeqay kadib marki uu waayo, Hadaba waxaa habboon qofku in uu ku qanco qadarka Alle (SW)

kadibna uu yiraahdo Alxamdu-lillaah
waayo Allah SW waxa uu inoo balan qaaday hadii aan ka’ mahad-celino nimcooyinka uu nasiiyay in uu inoo kordhin doono.

Check Also

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *