Qiimaha Waqtiga Iyo Sida Ugu Haboon Ee Aan Uga Faaidaysan Karno

qiimaha waqtigaWaqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool yahay, waana raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si wacan looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo

sida ay xikmaddani leedahay (waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo).

Nolosha qiimaheedu waxa ay ku xidhan tahay qiimaha waqtiga iyo ka faa’iidaysigiisa. Haddaba adigu akhriste ma is weyddiisay qiimaha waqtigaaga? Waa su’aal muhiim ah waana su’aasha ugu qaalisan su’aalaha loo baahan yahay inuu qofka caqliga iyo caafimaadka Alle (SWT) siiyay is weydiiyo oo uu garto jawaabta saxda ah ama ku habboon in lagu qeexo

Su’aashan jawaabteeda waxa si sax ah u helay in yar oo fara ku tiris ah oo dadkeenna ka mid ah, intaas heshayna waa inta yar ee waqtigooda ka faa’iidaystay ee gartay qiimaha uu u leeyahay kuwaas oo uga faa’iidaystay wax badan oo faa’iido u leh naftooda, if iyo aakhirana anfacaya, ha ugu horreeyaan khayrka iyo cibaadada suubbani’e.

Haddaba nolosha qiimaheedu waa waqtiga, dadkana waxay noloshoodu u kala qiimo badan tahay sida waqtigoodu u kala qiimo badan yahay. Waxa se is weyddiin leh waqtigu miyuu kala qiimo duwan yahay? Jawaabtu waa maya, waqtigu ma kala duwana waxa makhluuqa oo dhan ka siman yihiin waa hal waqti oo isku mid ah se waxa qiimihiisa kala duwaa waa insaanka iyo duruufaha noloshiisa.

Qof waliba isaga ayaa waqtigiisa qiimo gaar ah u yeela. Sida aan ka warqabno qof wal oo koonka saarani waxa uu haystaa ama ku xisaabtamaa sannad 12 bilood ah, bil 30 cisho ah, toddobaad 7 maalmood ah, maalin 24 saacadood ah iyo saacad 60 daqiiqadood ah. Sidaas ayaanu waqtigu weligiina iska beddelin oo waa ta Qur’aanka kariimka ahba inoogu cad in sannadku alle (SWT) agtiisa ka yahay 12 bilood. Taasi waxay kuu caddaynaysaa in insaanku mar walba waqti isku mid ah haysto se uu isagu qiimihiisa mid gaar ah oo aan lala wadaagin ama lagala sinnayn ka dhigan karo. Waxa keli ah ee ka la duwayaa waa sida ay u kala qiimeeyaan iyo faa’iidooyinka ay ka gaadhaan.

Marar badan ayaad arkaysaa qof yar oo 20 sanno jiray oo nolshiisu ka qiimo iyo faa’iido badan tahay mid 60 sanno jiray. Waxa aad markiiba is weydiinaysaa sidee qofkan 20-ka sanno jiray kan 60-ka jiray uga faa’iido badnaan karaa isaga oo kan 60-ka soo noolaa saddex laab inta uu nool yahay kan kale! Waxa uu uga faa’iido badan yahay kan yari waxa uu si wacan uga faa’iidaystay 20-kan sanno ee uu haystay lagaba yaabaa in aan daqiiqad keliya oo bilaa faa’iido ah ama maalaayacni ah laga helin waqtiga uu noolaa. Halka kan kalena waqtigiisa intii badnayd uu ku dhaafay faa’iido la’aan iyo waxaan dani ugu jirin kaas oo moogganaa qiimaha waqtigiisu leeyahay kadibna is arkay uun isaga oo 60-jir ah oo aan wax faa’iido ahna ka hayn waqtigiisii. (Qoraalkan waxa laga soo xigtay mareegaha Weedhsan.com).

Halkaa ayuu ka bilaabaa calaacal iyo murugo isaga oo iska qoomamaynaya khasaaraha uu naftiisa baday ee uu ka taagan yahay waqtigii iyo caqligii uu Rabi ugu deeqay iyo noloshiisan bilaa qiimaha ah taasina waa halkay Soomaalidu kaga maahmaahdo (nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raacdee). Halka kii yaraa hadduu 60 gaadho uu ku gaadhayo farxad iyo guul iyo nolol qiima leh ileen markii uu waqtiga haystey buu waqtigiisii qiimo u yeelee.

Waxaa mar walba innagu waajib ah inaan waqtigeenna uga faa’idaysanno sida ugu habboon kagana faa’iidaysanno waxa Alle (SWT) raalligelinaya, si aad adiguna ugu noolaato nolol aad raalli ku tahay.

Waxyaabaha aan kaga faa’iidaysan karno waqtigeenna maxaa ka mid ah?

1.       Cibaado suubban oo aan Allihii ina abuurtay (SWT) ku caabudno oo aynu si wacan u garano sababta la inoo abuuray inay tahay in aan Alle keligiis (SWT) u caabudno waa ku Alle inoogu sheegay Qur’aanka (Jinka iyo insiga umaanaan abuurin inay na caabudaan mooyaane).

2.       Innaga oo kaga faa’iidaysanayna cilmi aan baranno kaas oo noqonaya ka ina anfacaya nolosha adduunka iyo ta aakhira labadaba cilmigaas oo uu ugu horeeyo barashada kitaabka alle ee kariimka ah.

3.       Ina aan nafaheena ku waajibino samaynta wanaagga, wanaaggaas oo aynu usamaynayno nafeheenna iyo walaalaheenna kaleba innaga oo ku caawinayna walaalaheen wax kasta oo wanaag ah sida (innaga oo wax wanaagsan farna, sadaqo siinna, dhib haysatey uga gargaarna, ka bukaanka ah soo booqanna, i.w.m.).

Waa in aan muhiimadda koowaad ka dhignaa saan waqtigeenna wax anfac inoo yeelanaya if iyo aakhiraba ugaga faa’iidaysanno. Ma ogtahay in imaamkii weynaa ee Bukhaari uu cilmigiisu ka badnaa cimrigiisa; taasna uu ku mutaystay dedaalkii badnaa iyo sidii wacnayd ee uu qiimaha waqtigiisa u bartay.

Qofka bani’aadamka ahi waa maalma yar inta uu nool yahay iyo waqtiga uu haysto hadduu ka faa’iidaysto wuu guulaysan haddii u garan waayana wuu khasaari. Xikmad baa tidhaahda (ogow ibnu aadam waxa tahay maalmo is daba socda mar kasta oo maalmahaa mid ka mid ahi tagtana waxaa tegay badhkaa).

Nolosha oo dhami waa saddex maalmood:

1. Shalay: Waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn waxii ay guul iyo khasaareba lahayd way la tagtay, mana soo ceshan kartid. Waxa se laga yaabaa haddii aad tahay qof dhugasho leh inaad haddana si dadban uga faa’iidaysato maalintaa ku dhaaftay ee aan soo noqoshada lahayn. Waxa su’aashu tahay, sidee ayay suurto gal u tahay inaad tidhaa waqti tagay ayaan ka faa’iidaysanayaa? Way fududdahay, waxaana garan kara kaliya qof caqli u saaxiib ah. Ugu horrayn, waa inaad dareento wixii ku seegay shalay kuna dedaasho in aanay dib u dhicin si ay dawo ugu noqoto soo noqnoshada marxaladda caynkaas ah.

2. Maanta: Waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasammaalka ugu weyn ee aad haysato. Waa maalinta ugu qaaalisan noloshaada qiimaha noloshaada oo dhamina waxay ku xidhan yihiin saacadaha yar ee ku jira noloshaada, qiimaheeduna waxa ay noqonaysaa sida aad hadba ugu faa’iidaysato oo keliya waayo manta markaad ka faa’iidaysato berrina waad ka faaidaysankartaa iyo cimrigaaga oo dhanba laakiin se hadaad maanta lumiso beritana waad lumin sidaasaanad ku lumisay noloshaadii oo dhan waxaa la yidhi (qofka waxa jooga aan garani waxa soo socda ma garto). (Qoraalkan waxa laga soo xigtay mareegaha Weedhsan.com)

3. Berri: Berriyeey maxaa tahay? waa maalin maqan mana garan kartid waxa ay kuu sido waxay noqon inaad gaadhi iyo in kale  alle (SWT) ayaa keligii og berri iyo waaayaheeda  mana aha inaad ku xisaabtanto waxanad garanayn wax ay noqon  (haddaad waa bariisato ha sugin in aad galabaysato hadii aad galabaysatana ha sugin in aad waa bariisato) Waayo ma ogid inaad subax leedahay iyo in kale, laakiin  maanta ka dhig maalinta guushaada camalkaaga iyo hawlahaagana u samee sida ugu wacan ee ugu quruxda badan  hammigaaga iyo dadaalkaagana isugu gee saad manta u guulaysan lahayd) taasina waa sirta nolasha sarraynta iyo farxadda waxa aa la yidhaahdaa (qaamuuska waqtiga kelmed keliya ayaa ku jita  kelmedaasina waa – iminka ama hadda – macnihii waa daqiiqadaa aad hadda joogto oo keliya). Taasina waxa ay kuu caddaynaysaa in waxa aad haysataaba yahay daqiiqaddaa aad joogto oo keliya, qiimaha noloshaaduna waa hadba inta ku soo marta sida aad uga faa’iidaysato.

Waqtiga qiimihiisa in badan baa diinteennu innagu boorirsay ka faa’iidaysigiisa kaas oo aan ka soo qaadan karno Xadiiskii shariifka ahaa: shan ka faa’iidayso shan ka hor. Waxaa ka mid ahaa shanta: ka faa’idayso firaaqadaada mashquulkaaga ka hor. Carabtuna waxa ay ku maahmaahaan: qof waliba waa ina maalintii in ka badan inta uu yahay ina aabbihii.

Xikmado iyo meelo badan oo diinteena ka  mid ahba waxaa kaaga muuqanaya oo ay ina farayaan waa qiimaha waqtigu leeyahay  inagana sida inagu waajibka ahi waa in aan ka faa’iidaysanaa maalmaha nolosheena si aan ifka sharaf iyo cisi ugu noolaano aakhirana camal wanaagsan oo ina anfaca aynu u kasbano, waa in aad noqotaa qof noloshiisa iyo naftiisa toona aan faa’iido la’aanta iyo maalaaa yacnigu boos ka lahayn oo aanay uga bannaanayn.

Si haddaba aad u xaqiijiso arrintan waa in aad habeen kasta intaa aanad seexan xisaabtantaa oo xisaab xidh ku samaysaa waqtigii aad maanta soo qaadatay iyo waxa aad kaga faa’iidaysatay, waa in aad ogaataa saacad walba iyo halka ay kaaga baxday iyo waxa aad ku qabatay, adigoo iskale mid dhigaya sidii nin meherad leh oo kale oo habeenkii xisaabinaya meheradiisa si uu u ogaado waxa uu faa’iiday iyo waxuu khasaaray iyo weliba waxa uu berri la shaqa tagayo intaba.

Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaaad ogaato waqtigaagii iyo sida aad manta ku qaadatay haddii maxsuulku kuu sooboxo guul aad baan kuugu hanbalyaynayaa waxaanad tahay qof noloshiisa guul ka jooga, hadii kalena waad khasaartay ee nafta ku dhiiri geli in aanad dib u khasaarin oo aad khasaarahaga guul ku bedesho sida ugu dhaqsaha badan allena (SWT) talo saaro keligii ayaa awooda inuu wax hagaajiyo’e.

Maskaxdaadana ku hay xikmada odhanaysa (maalintaadu yaanay kugu dhaafin faa’iido la’aan maalkaagana ha dhigin wax ku qabad la’aan waayo cimrigu wuu ka gaabanyahay in dhammaado faa’iido la’aan, maalkuna wuu ka yaryahay in la dhigo wax qabad la’aan).

Ogow oo ogow qofka caqliga badani suura gal kama aha inuu waqtigiiisu maala yacni iyo faa’iido la’aan ku dhaafo, maalkiisana ku lumiyo wax aan faa’iido lahayn iyo khayr toona.

Ugu danbayntii waa in aad uga faaidaysataa waqtigaaga sidii qof berri dhimanaya oo kale adiga oo fulinaya wax kasta oo waajib ku saran ah ugana soo baxaya habka ugu habboon una dhammaystiraya haday cibaado tahay iyo hadday camal adduunyo oo wacan tahayba kuna xisaabtan in marka aad xasilo oo siday tahay aad uga soo baxdo meelaysana arrintaada aakhiro uu ka adduunkuna isaga oo khasban kuu imanayo.

Waxa cirka lagu gaadhay waa waqti laga faa’iidaystay iyo buuraha figtooda, badda gunteeda waxaas oo dhana waxaa kasii saraysa janada fardaywasa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faa’iidayso daqiiqada aad haysato.

Eng. Axmed Ismaaciil “Gaashaanle”

Email: ahmedgashanle@gmail.com

Check Also

shakhsiyad, dabeecad, qofnimada, yaad tahey

Horta Adigu Yaad Tahey? W/Q: Hibo Ciise

Intaad caqliyeysatey waxaad arkeysaa uun habeenka iyo maalinta oo is badbedalaya laga yaaba inaaney wax …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *