Qiimaha Gabadhu Ma Ahan Da’deeda Ee Waa….

Qiimaha gabadhu ma da,deedaa? Ma inay gabar tahay baa oo aanay ahayn garoob(carmal)? Bulshadeena soomaliyeed waxaa jira maahmaahyo badan oo kala duwan qaar yihin Yasid qaar yihiin dulmi qaarna yihiin wax diintaba ka hor imaanaya maaha in la dhaqan geliyo sidii diintana loo weyneeyo.

-maahmaahyada khaladka ah waxa ka mida (gabar baartay garoobaa ka roon) sidoo kale mida dhahaysa (gabar guri hakaaga jirto ama god)) Diinta in markii dan la leeyahayna la yiraahdo hala guursado oo la isku booriyo waa diinta barked guurku marka kalena qof walalkaa ah aad ku yasto da,a uu gaaray ama garoobnimo, waa cadaalad darada dhaqanka jaahiliga ah ee bulshadeena.

-Qiimaha gabdhu waa akhlaaqdeeda, diinteeda, dhowrsananteeda, gabdha isku aragta hadeeey gaarto da,a gaar ah inay tahay midaan qiimo lahayn ha ogaato sideey isku aragto inay bulshaduna u arkayso inkastoo gabdho badan ay ku qasabto inay u dabcaan dhaqanka xun ee bulshadeena qaarkeed, daryeelmagazine.com ayaa ku leh qiimahaaga waxaad ka dhigtaa shaqsiyaadaada diintaada aqoontaada, kartidaada. marna haku fekerin waa weynaadee wixii ila hadlaba waa inan Ok dhaho, wuxuu yahayba , almuhim yaan la i oran waa guumeysoowday, waa baartay.il yasitaana la igu eegin.

-Waxaad ogaataa inuusan ku qiimayn doonin kaad isku tuurtay maalin maalmaha ka middana ku dhihi doono anaaba ku asturee yaa ku rabay waa haduu kaa dareemo inaa is qiimo tirtay tustidna inuu Gallad kugu leeyahay haduuba ku guursaday oo ku asturay .waxaa laguu abuuray waa cibaadada Allah guur kaliya laguuma abuurin….

-Gabadh kastoo isku aragta in qiimaheedu ku xiran yahay waqti go,an ha ogaato inay tahay mid diidan Qadarka Alle haka yeelin waxaad isku mashquuliso kana fekerto 24 saac maxay dadku i oran doonaan hadaan gaaaro cumrigaa anoo wali guursan ?waqtigiisa kama hormarayo kamana dib dhacayo calafku waxaad isku mashquulisaa cilmi aad kororsato.

-Ninka caqliga u saaxibka ah waa kan aan u eegin gabadha qiimaheeda gabar ama garoob mid weyn iyo mid yar wuxuu eegaa gabdhaan ma tahay mid kuu qalanta ma tahay hooyo ubadkaaga berri si fican u tarbiyayn karta . ma tahay mid leh akhlaaq ,diin, dhowrsanaan. Waxasoo dhan ayuu ku fekeraa ee kuma fekero sida caadooyinka iyo dhaqanka jaahiliga qaarkii kuwaasoo loo weyneeyo sidi inay yihin sharcigii Alle!

W/Q: Najma Saciid

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *