Qalliinka Dhalmada

qalliinka dhalmadaWaa Maxay qalliinka dhalmada (Cesarean Section) ?

C- section Waa qalliin lagu sameeyo dumarka marka aysan suurtagal ahayn in cunuggu u soo maro xubinta taranka oo ay si caadi ah u dhalaan. Waxaa lagu sameeyaa hooyada si ilmaha looga saaro riximka ama minka.

Qalliinkan meeqa ayuu kala baxaa?

Qalliinkan waxaa loo kala qaadaa labo nooc oo kala ah:

  • Mid qorshaysan:
  • Qalliin aan qorshaysnayn

Sababaha loo sameeyo qalliinka qorshaysan

  • Dhibaatooyin caafimaad sida xanuunada daba-dheerada, haddii hooyadu ay qabto dhiig kar, macaan, wadne xanuun  kilyo xanuunk waxay foosha caadiga ka dhigtaa mid niyad jab badan oo adag sidaas daraadeed qalliinka ayaa ka amaan badan.
  • Cunugga oo miisaankiisu aad u weyn yahay oo uusan soo marin karin ilmo mareenka.
  • Haddii hooyadu ay sido mataano oo ay adag tahay inay maraan ilmo mareenka.
  • Cunugga oo qaab aan toosnayn ugu dhex jiifaa ilmo-galeenka.
  • Mandheerta oo isku goysa afka ilmo galeenka islamarkaana hor istaagta uurjiifta.
  • Qalliin hoore, hooyada la gusoo qalo cunuggeeda ugu horreeya waxaa ay jaanis balaaran u leedahay in marar kale lagu qalo.

Sababaha qalliinka aan qorshaysnayn ama deg dega ah:

  • Hooyada ay fooshu ku dheerato isla markaana ku daasha oo sii wadi weysa waxaa dhici karta in qalliin deg deg ah la geliyo
  • Xudunta cunugga oo banaanka usoo baxa waxay keenaysa qalliinka degdega ah
  • Garaaca wadnaha cunugga oo si xad dhaaf ah hoos uga dhaca.
  • Dillaaca makaanka.

Kasoo kabsada qaliinkaan way ka dheertay dhalmada caadiga ah,  waxaa muhiim ah in hooyada iyo cunuggeedu ay joogaan isbitaalka labo ilaa afar maalmood. Tani waxay hooyada siinaysaa niyad wanaagsan. Waxayna daryeel ka helaysaa dhakhtarka iyo kalkaaliyayaasha, waxaana lala soconayaa hadba xaalkeedu sida uu yahay. Inta isbitaalka ay joogto hooyada waa inay isku daydaa socod aan badnayn oo qolka dhexdiisa ah, tani waxay yareynaysaa xinjirowga.

Hooyada marka ay guriga joogto waxaa lagama maarmaan ah inay nasato,  Biyo ama cabitaan badan ayaa lajoogteeyaa xilliyada hooyadu ay joogto guriga waana inay la xariirtaa dhakhtarka laba ilaa sadixdii maalmoodba mar. Waxaa kaloo fiican inaad cuntid cuntooyinka jilicsan oo yareynaya calool istaagga.

Muuqaalkaan hoose waxaa soo diyaarisay Ubahiina Muuse waxayna ku faahfaahinaysa qalliinka dhalmada. Ka faaidaysi haboon

 

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *