Qalbi Jab Jaceyl

Qalbi jab jaceyl, qalbigaQalbi jab jaceyl:

Qalbigaaga ayay jebinayaan, waxay kaaga tagayaan sabab la’aan, waxaad ka dooratay dad oo dhan, waxaad aamintay in badan, waxaad u ahay daacad, waxaad u hurtay naftaada, waxaad u sameysay wax kasta aad awooday laakiin wax kale iyo meel kale ayaa u muuqatay mar kasta, waxaa kugu soo haray su’aalo u garaacaya maskaxdaada sida mowjado bad oo buur ku dhacaya, waxaad is weydiinaysaa, “Maxaan sameeyaa?” “Ma isku filnahay?” “Sideen ku hilmaamaa?”

Tan ogsoonow, waad isku filan tahay, waad ku saxsaneyd in aadan naftaada u qiyaamin qof aan kala saari karin quruxda rasmiga ah iyo mid qiyaali ah, aan kala garan karin wanaag & xumaan, wax dhalanteed ah moodaya wax dhab ah. Marnaba ha u ciqaabin naftaada qaladaad qof kale sameeyay, ha u baabi’in noloshaada qof aysan ka go’nayn in uu kula wadaago. Waad ku saxsaneyd in aad Qalbigaaga u furtay.

Xusuusnow waad ka bogsaneysaa kana koreysaa xanuunkan, waad hilmaamaysaa wixi aad soo martay, waxaad baratay cashar weyn, waxaad tahay waaya arag. Samee wixi wanaag ah, xooga saar waxa naftaada horumar u horseedi kara, isku mashquuli wixi sax ah, ka faa’iideyso fursad kasta, ha furnaado qalbigaaga, ku duceyso bedel khayr qaba in Alle ku siiyo, Cafi una ducee iyagana. Marnaba ha ku fakirin in aad xumeyso ama ka aarsato, Ogow waxaad is aaminteen xilli aad isku dhoweydeen.

Ma lagu jebin karo hadii aadan adigu is dhiibin ama dhulka is dhigin. Ogsoonow Hada dhaawac ayaa tahay, laakiin kuuma dhamaan.

Akhriso: fariimo raali galin qof aad jeceshahay

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *