Qaladaadka Joogtada Ay U Sameeyaan Lamaaneyaasha Isjecel

Ilowshaha inaad bogaadiso: Xidhiidhadu wey cakirmaan marka lamaanayaashu aaney isku muujin iskaga mahadnaqin waqtiyada ay isla qaateen muhiimadey leedahay, badanaaba lamaanayaashu waxey caado ka dhigtaan damaanadqaad naxariista dhextaala,waana hanaan wanaagsan inaad uga mahadnaqdo lamaankaaga marka aad ka soo dhex saarto mashquulkii badnaa iyo daalka islamarkaana daryeel wanaagsan aad u fidiso marka uu daalan yahay. Odhaahda markaasi ah waad mahadsan tahay waxey kordhisaa ayey leeyihiin quburada xushmada ka dhexeysa lamaanaha,waana aragti da xidhiidhka wanaagsan.

Ma idinka muuqdaa dhaqan lamaane; Markii ugu horeysay ee aad kulanteen waxaad aheydeen kuwa waqti wanaagsan isla qaata oo isla daawada aflaan ama soo wada dukaameysta sida adinkoo lamaane isku xedhan ah xilliga shukaansiga, laakin mudo kadib guurka waxaa yimaada in qof walbaba uu ka badin waayo howlmaalmeedka caadiga ah, waxaana meeshaas ku luma xiisihii badnaa ee leysku qabay.

Isweheshiga waa hanaanka ugu wanaagsan ee xidhiidhka wanaagsan. daryeelmagazine.com ayaa ku leh Isku day inaad qabanqaabiso waxyaabo xiiso iyo farxadgelin kara lamaanahaaga.

Xasaasiyada ka dhalata dabagalka; Haweenka qaar waxaa caado u ah iney lamaanahooda ku sameeyaan dabagal ama baadhitaan, dhaqdhaqaaq walba oo uu sameeyana, baadhaan mobilkiisa,ka raadiyaan alaabihiisa khaaska ah waxyaaba cadeyn kara inuu khiyaamayo ,haseyeeshee xidhiidhka wanaagsan arimahaas oo dhan waa ka mumnuuc ah, kadhigo xidhiidhkaaga asaaskiisa inuu noqdo kalsooni. Iskana indhotir waxyaabaha yaryar ee macnaha aan ku fadhiyin.

Wadahadal la’aan; Dad mararka qaar waxey ka cawdaan iney la hadlin lamaanahooda. Hadii aad ka gaabsato inaad wada lafagurtaan arin taagan,arintaani waxey gaadheysaa xilli aanay wax ka qabasho laheyn,waxaa kuu wanaagsan adigoo deganaan adeegsanaaya inaad ka wada xaajootaan xaalada taagan,iyadoo aan eedeymo iyo wareer iyo weerarcelis aanuu  wadahadalkiina ku saleysneyn.

Ismari waaga habeenkii xilliga dambe; Lamaanayaal badan waxey aaminsan yihiin inuu xidhiidhkooda khalkhal ku jiro marka ay arkaan in mashquulka badan uu kala fogeynaayo, islamarkaana la waayo fursad lagu kulmi karo.

Muranada ka dhaca mashquulka badan waa khatar aan la dhayalsan karin, waa sabab macquul ah in qofka asagoo daalan aanuu fursad u heli karin inuu waqti la soo qaato jaceylkiisa ama uu gurigeeda soo booqdo.

Jaceyl la’aan; Marka ay lamaana ahaan noloshu ku dhisan tahay,waa muhiim inaanu jeceylkaasi aanu duugoobin,qoysas badan kadib guurka waxaa dhamaada xiisiihii iyo jaceylkii leysku muujin jiray, hadii xilligii hore aad maalin walbo u diri jirtay fariimo ah inaad jeceshahay,maxaa diiday inaad jaceylkaas siyaabo kala duwan ku muujiso maadaama aadba hada wada nooshihiin?

Dadaal la’aan:  Ka fikir sidaad u koolkoolin jirtay maalmihii ugu horeeyey ee shukaansiga,xamaasadii balaadhneyd ee aad u qabtay la kulanka qofkaas iyo sidaad isku diyaarin jirtay, iyadoo saacadaha la kala maqan yahayna ay bilo kuula muuqatay.

Khiyaano:  Marka ay timaado mowduuca khiiyaamada xidhiidhada jaceylka wuxuu u baahan yahay dib u dhisid qoto dheer, dhamaan dareenada diidmada iyo ku xadgudbida ku saleysan waa tajiibada ku qanacsanaan la’aanta,si arintaas looga gudbana waxey qaadataa mudo. Waxaa lagu xalin karaa hadii labada dhinac garwaaqsadaan inuu jiro qaladaad xagooda ka dhacay ka hor khiyaamada.

Hinaase:  Hadii lamaantaada/kaaga uu yahay qof maseyr badan,shakiguna daba taagan yahay waxey tani abuuri kartaa xaalad adag,sii wadida dabeecadahaasi waalida ah waa marxalad wax u dhimi karta dulqaadka qofka kale. Qofka maseyrka badani wuxuu u baahan yahay gudaha amaandarada ka heyso ee sababeysa dhibaatada laga daaweeyo,inkastoo dadka qaarkiis ku tilmaamaan inuusan sii jiri karin xidhiidh kalsoonidaro ay hadheysay.

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *