Soo Jiidashada Qof Aad Jeceshahay

Soo jiidashada qof aad jeceshahayMaxaa dareentaa marka aad daawanayso filim aad dhowr jeer oo hore daawatay? waxaa hubaal inaad dareemaysid caajis iyo marax aad u farabadan. Laakiin su’aasha isweydiinta lihi waxay tahay, maxaynu u dareenaa caajis marka aynu daawanayneyno filim in ka badan hal mar? sababtoo ah waxaynu ognahay wax kasta oo filimka ku jira sida wax dhici doona, waxa soo socda iyo wax kasta oo filimka ka mid ah, sidaa daraadeed waxaa meesha ka baxa xiisihii aan u qabnay filimkaas daawashadiisa.

marka aynu ka hadlayno soo jiidashadana isla arrintaan oo kale ayaa dhacda. Waxaa wax aad u yar ah inay dadka soo jiitaan dadka la saadaalin karo, sababtoo ah waxaa loo tixgeliyaa dad marax ah, xagga dadka aan la saadaalin karin xoojiyaan soo jiidashada ayna sababaan dareen jaceyl.

 Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeyaa soo jiidashada, wax aan la saadaalin karin iyo maskaxda?

Soo jiidashadu waa sidii aad u qabsan lahayd qeyb ka mid ah fikirka qofka, marka ay qof cajaa’ib geliso sida aad tahay ee aad qabsato qeyb ka mid ah fikirkiisa waxaa aad u fududaanaysa inaad ku hoggaamiso tallaabada xigta oo ah inuu qofku kaa fikiro wax badan. Haddii aad doonayso inaad soo jiidato qofka aad jeceshahay waa inaad noqotaa qof aan la saadaalin karin islamarkaana waa inaad qofka siisaa xog maskaxdiisa ku reebta malehiisa.

Gaar ahaanshaha iyo soo jiidashada

Qofkastaa waxaa uu ogyahay in aanu qofna la mid ahayn, waxaad ogtahay inaad wax badan kaga duwan tahay dadka kale dadka kalena wax badan kaaga duwan yihiin, iyadoo sidaas ah ayay haddana ayay dadka badankoodu ku guuldarraystaan inay usoo bandhigaan dadka kale waxa uu gaarka ah. Waxay u labbistaan sida dadka kale, waxay u hadlaan sida dadka kale islamarkaanaa waxay raacaan wadada dadka kale raacaan. Si aad u hanato maskaxda qofka aad jeceshahay, waxaad u baahan tahay inaad noqoto qof ka duwan dadka kale ka gaar ah oo aan la nooc ahayn dadka kale. Soo jiidadashadu waxay ka bilaabmataa inaad qabsato dareenka qofka kale. Marka aad qabsato qofka dareenkiisa waxa aad awood u yeelanaysaa inaad tusto sifooyinkaaga kale oo aad sare u qaaddo xiisaha uu kuu qabo qofkaasi. Dadku waxay maalin walba arkaan ama ayse maqlaan waxyaabo aad u badan, balse waxa kaliya ee ku reeba xusuusta waa markay arkaan wax ka duwan waxay maalin walba arkaan.

Kawaran Haddii aad aragto gaari duulaya? waxaan filayaa in aanad weli arage laakiin kawaran haddii aad arki lahayd, wax badan ayaad xasuusan lahayd, waxa aad la yaabi lahayd meesha uu ka yimid, cidda soo samaysay, waxaanad uga warrami lahayd saaxiibadaa iyo asxaabtaada. Tan waxaa la mid ah soo jiidashada, illaa aad u muuqato gaari duulaya lagu siin maayo wax dareen ah.

Xiiso gelinta qofka aad jeceshahay

Marka aad ku guulaysato inaad soo jiidato dareenka qofka aad jeceshahay, waxaad qaadaysaa tallaabada xigta oo ah inaad usoo bandhigto sifooyinkaaga ugu fiican, si daahsoon oo aan toos ahayn si aad u xiiso geliso qofkaas. Dadku ma jecla dadka istusiinta, waxa ayna doorbidaan inay iyagu ogaadaan sifooyinka fiican ee aad leedahay. Ha isku bandhigin si toos ah, hana u caddayn dadka waxaad tahay iyo wanaagaaga. Ugu Sheeg si maldahan, waxaad siisaa oo kaliya tilmaam, una dhaaf iyaga inay ogaadaan inta kale.

Marka uu qofku noqdo mid kula dhacsan oo kaa helay waxaad bilowdaa inaad badanaa aad u tagto illaa iyo inta uu la qabsanayo la joogistaada. Intaas kadib waxaa si kedis ah u maqnaataa dhowr cisho, Haddii uu bilaabo inuu kuu xiiso HAMBALYO waxaad si buuxda ugu guulaysatay inaad soo jiidato Qofkaa.

W/D: Cabdirisaaq Faarax

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *