QADO FUDUD: Digaag, Caano Garoor Iyo Bariis

digaag iyo bariis Waa barnaamijkii cunto karinta ee Cooking With Hafza oo ku saabsan qado fudud oo qof kasta uu samayn karo. Qadadaan ayaa kooban digaag, bariis, maraq yar iyo xoogaa ansalaata ah.

Digaaga waxaa la marinaya xawaashyo kala duwan sida xawaash dhuudhuub shiidan, barbarooni shiidan, sanjabiil shiidan, cusbo iyo caano garoor  kadibna waa  la dubayaa..

Alaabtaan waxaa lagu cunayaa suugo yar oo oo laga samaynayo toon, caano garoor, gaar ahaan nooca loo yaqaan greek Yogurt, jab qajaar ah iyo xooga cusbo iyo filfil shiidan ah. Bariiskana gooni ayaa loo karinayaa.

Waa qado cajiib ah waqti badanna aan kaaga baahnayn.

Ka faaidaysi wacan

Check Also

maraq, suugo, cooking with hafza

MARAQ MACAAN: Moos Iyo Caano Qumbe

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxay idiin haysaa maraq cajiib ah oo laga samaynayo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *