Qaawanaan Qurux Maahan, Talo ku socota Dumarka

Quruxda dumarku ma aha dharka ay xirato, jismiga ay xambaarsan tahay, waxa ay dhabankeeda ku dhaashato, iyo habka ay u shanleysato timaheeda. Quruxda dumarka waa in ay ka muuqato gudaha indhaheeda, sababtoo ah taasi waa irridka Qalbigeeda.

Quruxda dumarku ma aha bar (dhibic madow) oo dhabanka ku taal, qeyb jirka ka mid ah oo la baneeyo, balse quruxda dhabta ah ee dumarku waxay ku jirtaa ruuxdeeda. Waa daryeelka ay si kalgacal leh usiiso qoyskeeda, dhawrsanaanta ay ku dheganaato, dadnimada ay muujiso iyo asturnaanta jirkeeda.

Jirkoo qeyb ka mid ah la qaawiyo marnaba qurux maaha, mana soo jiidaneyso mid rasmi ah balse waxay soo jiidaneysaa mid si ku meel gaar ah u raba dabadeedna ka dhaqaajiya.

Maxamad Cali Kalaay mar uu gabadhiisa waaninayay wuxuu ku yiri, “Wax kastoo Aduunkan qiime sare leh, Alle SWT wuu daboolay, waa xafidan yihiin, si adag baana loo helaa. Is weydii….

Xagee laga helaa diamonds? Gunta hoose ee dhulka, waa la daboolay waana la ilaaliyay.

Xagee laga helaa Dahabka? Godad dusha looga daboolay lakabyo isa saaran oo dhagxaan ah.

Xagee laga helaa Luulka? Gunta hoose halka u dambeysa Badda, iyadoo lagu daboolay laguna xafiday dahaar aad u qurxoon.

Haddaba, Gabdhuhu waa inay ogaadaan in jirkoodu karaameysan yahay, kana qiima badan yahay Diamond iyo Luul, sidaa darteed waa inay xafidaan oo asturaan.

Gabadhu marnaba ma aha inay u qaadato in ay wax ku waayeyso ama wax ka lumayaan hadey xijaabato, Xusuusnow:

Qorraxdu ma weydo quruxdeeda goortii ay daruuruhu daboolaan. Sidaa oo kale quruxdaada waayi meysid goortii aad Xijaaban tahay

Waa Walaalkaa oo Wanaag kula jecel

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *