Qaar Ka Mid Ah Sababaha Keena Dhabar Xanuunka

dhabar xanuunQof kasta oo da’diisu ay dhaaftay 30 jir waxa uu marar kala duwan ka cawdaa dhabar xanuun ama raqabadda iyo garbaha oo xanuuna. Qormadan maanta oo aanu ka soo xiganay shabakadda Al-Jazeera waxa aynu ku eegi doonnaa sababaha keeni kara xaaladahan iyo sida ugu habboon ee uu qofku uga takhalusi karo.

Sababta:

– sababta ugu caansan ee keenta in qofka ay xanuunaan dhabarka, raqabadda ama garbuhu waa muruqyada oo guntama ama isku urura, taas oo inta badan ka dhalata fadhiga badan ama qofka oo si qaldan u jiifsada, tusaale ahaan qofka oo saacado badan isaga oo aan waqtiyo xarakaad iyo kicitaan dhex gelin kombiyuutarka hor fadhiya, waxa ay dhaqso ama mar dambe ku keenaysaa in raqabaddu xanuunto.

– Dhakhaatiirtu waxa ay aaminsanyihiin in sababta keenta xanuunka qoorta ama raqabadda ay tahay xarakaadka yar ama qaldan oo keena in ricidhuhu is lisaan, dhaawacna soo gaadhsiiyaan neerfayaasha iyo muruqyada ku xeeran.

– Qabowga iyo mawjadaha hawada ahi waxa ay sababaan raqabad xanuun, laakiin inta badan xanuunkaasi laba maalmood kadib waa uu iska tagaa.

– Mushkiladaha nafsiga ah ee qofka la soo darsaana waxa ay sababaan dhabar iyo raqabad xanuun la mid ah ka uu fadhiga qaldani keeno.

Xalka ugu habboon:

– In si caafimaad qabta loo fadhiisto, qabowga iyo mawjadaha hawada oo la iska ilaaliyo, jimicsiga iskala bixinta ah iyo guud ahaanba xarakaadka jidhku waa habka ugu fiican ee uu qofku iskaga ilaalin karo raqabad xanuunka.

– Sida ay dhakhaatiirta takhasuska ahi caddeeyeen dhaq-dhaqaaqa jidhku waxa uu ka qayb qaataa xoojinta lafaha iyo in laftu ay halkeeda ku sugnaato oo aanu dhaqaaq ku iman, waxa aanay xoojisa muruqyada, sidaa awgeed dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in xitaa marka uu qofku xanuun badan ka dareemayo dhabarka iyo raqabadda aanu u jiifsan ee ay fiican tahay in uu xarakaad ugu yaraan fudud iyo socod sameeyo.

– Daraasado caafimaad oo dhowaan la sameeyey ayaa daahfuray in xarakaadka iyo jimicsiga oo si joogto ah loo sameeyaa ay ka qayb qaataan in uu yaraado xanuunka dhabarka iyo qoortu, kaas oo haddii muddo la wadana aakhirka wada kaxeeya xanuunkaas. Qofka aan jimicsiga samayn khubaradu waxa ay kula talinayaan in uu 5 illaa 20 daqiiqo maalin kasta uu socod sameeyo ama baaskiil kaxaysto ama uu dabbaasho. Sidoo kale qofka arrintaas waqti u waayaa waa in uu sallaan fooq joogto u fuulo ama mararka qaarkood baabuurka iska daayo oo uu u lugeeyo meelaha uu danaha u leeyahay.

– Is-diirintu (Dugsiga) waxa ay ka qayb qaadataa in muruqyadu furfurmaan oo guntimuhu ka ba’aan, taasina waxa ay horseeddaa in uu qofku ka bogsado xanuunka dhabarka iyo raqabadda. Qofku halka xanuunaysa dhabarka ama raqabadda ha kubbeeyo oo tusaale ahaan ha saar-saaro kiish rabadh ah oo uu biyo kulul ku shubay

Digniin: Haddii uu xanuunkani sii socdo muddo saddex bilood ka badan, waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu qofku la xidhiidho dhakhtar takhasus ah, in kasta oo ay khubarada caafimaadku sheegayaan in inta badan xanuunka dhabarka iyo raqabaddu aanu ka turjumayn Roomatiisan, burbur lafaha ah ama dhaqaaq ku yimi ricidhaha laf-dhabarta sida ay dadka qaar markaba u qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *