Qaababka Ninku u Kasban Karo Qalbiga Ooridiisa

Lamaane kasta oo meel kuwada nool waxay u baahan yihiin in ay farxad ku wada noolaadan, isla markaana ay ku wada joogaan rayn rayn iyo nolol qiimo badan.

Haddaba arrintan, ayaa waxa looga baahan yahay inuu ninka reerka madaxda ka ahi abuuro si uu xaaskiisa qalbigeeda u hanto, isla markaana ay u faraxdo oo ay ubadka iyo guriba si wanaagsan u dhaqdo, iyadoo baryahan dambe ay ka muuqato qoysaska tafaraaruqsanaan iyo kala daadsanaan xaga jacaylka ah.

Waxaaynu halkan ku soo bandhigi doonaa dhawr arrimood oo ku saabsan sida uu ninka ragga ahi u kasban karo qalbiga ooridiisa waana kuwan;

1- waxa looga baahan yahay ninka ragga ah in uu marka uu ooridiisa la joogo in uu noqdo nin aad u farxad badan oo kula hadla gabadhiisa haddalo farxad leh oo degenaan galiya nafteeda.

2- waxa hubaal ah haddii aad badiso dardargalinta iyo dhiirigalinta ooridaada, gaar ahaan xilliyada ay jiraan xaaladaha qalafsan oo aad gabadha ku tidhaahdo waa la dhaafi doonaa   ee duruufaha jira haysku mashquulinin, waxa ay xaaskaagu bilaabi doontaa in ay iska idho tirto xaaladaha jira iyo duruufaha qalafsan ee uu wakhtigu wato, sidaa darteedna ay kula jaan-qaado.

3- Isku day inaad faraxad ka muujisid wax kasta oo ay gabadhaadu kuu samayso, isla markaana u mahadceli oo tus sida aad danaynaso wax qabadkeeda.

Akhriso: Hababka Gabadhu U kasban karto jaceylka odaygeeda

4- waxa aad u muujisaa in aanad gabadhaada yasayn, isla markaana la qabo hawsha guriga oo ka fududee waxyaabaha yar yar ee aad awoodo inaan la qabato, si ay uga nasato hawsha oo aanay daalanaan marwalba, nafteeduna u degenaato.

5- amaan xaaaskaga oo iska daa, ad-adayga, tusna inaad aad ugu qanacsan tahay quruxdeeda, isla markaana waxaad u sheegtaa meelaha ay u qurux badan tahay.

6- Waxa wanaagsan inaad carruurtaada la faraxdo, si ay ooridaaduna u aragto inaad ubadka aabbo wanaagsan u tahay oo aad dan ka leedahay qoyska dhismihiisa, waayo hooyada waxay aad u faraxdaa markay aragto aabbaha carruurteeda oo la ciyaaraya ubadka, isla markaana la qoslaaya, taasina waa mid ka mid ah arrimaha aad ku kasban karto laabta xaaskaaga.

7- ka qadee guriga xaaskaaga oo tus inaad aad u jeceshahay cuntadeed, haddii aad meel kale wax ka soo cuntay, xataa isku day inaad wax ka taataabato cuntada gurigaaga. Waxaad soo hoyataa xilli munaasib ah oo aanay ubadkaagu hurdin si aad uga war hayso xaalada qoyskaaga, markaas oo ay gabadhaadu u arkayso inaad dan aad u weyn ka leedahay iyada iyo ubadka yar yar ee aad dhashay.

8- u ogolow inaad u raacdo marka ay soo booqanayso waalidkeed iyo qarabadeeda si ay u dareento inaad garabkeeda joogto, waxaa hubaal ah inay haweenku iskugu faanaan ragga ay nolosha la wadaageen. Markaa u ogolow xaaskaaga inay u faanto qayreed oo ay ugu faanto wanaagaga.

9- Gabadhaada ha ugu wax tar sheegan wax kasta oo aad u qabato, hank u raagi aroortii hurdada, isla markaana ka kac hadii aad xataa shaqo leedahay.

Ogow hurdada badani waxay yaraysaa raganimada ninka oo waxa ku quudhsanaysa ooridaada, waxaanay iska qoomamaynasaa maxa talow hurdadan ugu wacan ma xagga damiirka, mise wuu bukaa?.

10- Waxa aad ilaalisaa ballanka aad ka qaadidi ooridaada, iskuna day inaad fuliso wax kasta oo aad awoodii, isla markaana aad u ballan-qaaday.

11- Gabadhaada si saaxiibtinimo ku jirto ula sheekayso oo caweeyo, mara aad bilaa hawsha tahay, waxa laga yaaba in adiga iyo aafadaadaba uu idinka yaraado kala shakiga iyo waswasku, sidaa darteedna aad adigu qalbi ahaan qabowdo.

Dkiyaariye: Ibraahim Khadar Sa’ed

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *