Qaab Jiifka Xilliga Uurka

qaab jiifka uurka hooyada uurka lehDhinacee Ugu Fiican In Loo Seexdo Xilliga Uurka?

Dhakhaatiirtu badanaa waxay kula talisaa hooyada uurka leh inay u jiifato dhinaca bidix sababahaan soo socdo dartood:

  • Haddii hooyadu ay u seexato dhinaca bidix waxaa kordha qulqulka dhiiga u socdo uurjiifka kaasoo muhiim u ah dhinaca nafaqada.
  • Hooyada haddii ay jiifsato dhinaca bidix waxaa daga Bararka lugaha iyo gacamaha.
  • Kilyaha hooyada si fiican ayay u shaqeeyaan markay dhinaca bidix u jiifsato.
  • Uurjiifka cadaadis ma saaro xididada waawayn ee hooyada kuwaasoo dhiiga geeyo wadnaha hadday dhinaca bidix u jiifsato, waana arrin ay hooyooyinka dareemaan haddii ay dhinaca midig u jiifsato inuu naqaska ku dhagayo oo kale.

Hooyada iyo uurjiifkaba uma wanaagsan inay dhinaca midig u seexdaan, waxaa habboon in hooyadu ay dhinaca bidix u jiifsato markii ay uur leedahay khaasatan wixii ka dambeeyo bisha saddexaad, haddii aad ka daashid hal dhinac waad is gedin kartaa laakiin u badnow dhinaca bidix, tan oo la xaqiijiyay inay caafimaad ugu jirto hooyada iyo uurjiifkeedaba.

Qaababka Aan Habboonayn In Loo Seexdo Xilliga Uurka:

waxaa muhiim ah in hooyada uurka leh aysan dhabarka iyo caloosha u jiifsanin khaasatan bilooyinka ugu dambeeyo uurka, sababtuna waxay tahay in ilmaha ay cadaadis saarayaan uurku jirta, dhabarka iyo xididada waaweyn tan waxay hooyada u keenaa dhabar xanuun, neefsashada oo dhibto, baabasiir, iyo cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco.

Check Also

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka Ee ay Tahay Inaad Ka Fogaato

Kansarku waa kelmad balaadhan oo loo isticmaalo noocyo badan oo cudurro ah kuwaas oo la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *