Qaab Dabiici Ah Oo Timuhu Kuugu Jilcayaan

Bismillah.

Waxay badi gabdhaha soomaaliyeed jecelyihiin in ay timahoodu jileec noqdaan, sida laga arko Qurbo Magazine-na, suaalaha ama talooyinka ay qaar kamid ah gabdhaha soomaaliyeed aadka usoo waydiistaan waxaa kamid ah: sidey timaheygu jileec iigu noqon karaan?.

Marka jawaabtiina waa tan.

Waxaad isku dartaa si qiyaas isla eg ah:

1) saliid saytuunka (english: olive)

2) saliida almondka (english: almond) taas oo ah midho kamid ah bahda loowska.

3) saliida kakawga (english: cocoa)

4) iyo qaadada shaaha badhkeed oo ah khal (english: vinegar)

Sideed umarsan:

Khalka iyo saddexdaas nooc ee saliida ka kooban mari ( ku dhaash) madaxoo dhan adigoo ka dharjinaya. Kadib shukumaan yar biyo ku qoo oo yara marooji, kadibna shukumaankaas waxoogaa qoyan saar hiitar (radiator), kadibna saar shukumaanka madaxaagii ay horay umarsanaayeen khalka iyo saliida saddexda nooc ka koobneyd ( saytuun, almond iyo kakaw) oo ku daa cabaar intaad ka dareemaysid in ay ku filantahay.

Arintaas samee saddex jeer asbuuciiba, timahaaguna jileec ayey noqon inshallah.

Wabillaahi towfiiq

Check Also

xikmad badan

QISO DHAB AH: Oday Xikmad Badan

Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *