Psychology-ga Dabeecadaha Caruurta Wax ka Ogow

1. Haddii ilmahaagu uusan xushmayn dareenka dadka kale, taasi waxaa ugu wacan halki aad la hadli lahayd ilmahaaga ayaad siisaa amar xukun ah

2. Haddii ilmahaaga ay hayso kalsooni darro, sababtoo ah waxaad waanisaa in ka badan inti aad dhiirigelin lahayd

3. Haddii ilmahaagu yahay mid wax sarin badan, sababtoo ah waxay aaminsan yihiin in aad ku qarxinayso oo qeylo kala dul dhacayso haday kuu sheegaan

4. Haddii ilmahaagu iska qaato waxyaabo uusan isagu lahayn, taasi waxaa ugu wacan kolki aad wax u soo gadeyso uma oggolaan inay doortaan wixi ay rabaan

5. Haddii ilmahaaga dhaqso u caroodo, xanaaqo, sababtoo ah waxaad fiiro gaar ah u yeelataa khaladkooda keliya, wax feejignaan ma siisid dabeecadahooda fiican

6. Haddii ilmahaagu fulay yahay, taasi waxaa ugu wacan sababtoo ah markuu yaraa aad baad uga celin jirtay inuu wax sameeyo adigoo ka welwelayay in wax ku dhacaan (tusaale, hadduu banaanka u baxo amaa la dilaa, haduu jaranjarta fuulo amuu soo dhacaa, kubad haduu ciyaaro amuu jabaa)

7. Haddii ilmahaagu aad u maseyr & xin badan yahay, sababtoo ah waxaad u hambalyeysaa markay wax u dhameeyaan si guul ah keliya, mana amaantid markay isku dayaan inay wax hagaajiyaan xitaa haday ku guuldareystaan inay dhameystiraan

8. Haddii ilmahaaga nafsadooda u istaagin, bulshada ka dhex muuqan, taasi waxaa ugu wacan sababtoo ah iyagoo aad u yar ayaad si joogta ah ugu canaanan ama garaaci jirtay dadka dhexdooda

9. Haddii ilmahaaga been kuu sheego inta badan, taasi waxaa ugu wacan sababtoo ah waxay arkeen adigoo guriga jooga marki qof ku soo Waco ama albaabka soo garaaco inaad ku tiraahdo caruurta “Ma joogto dhaha ama way hurudaa” waxayna u qaateen inay caadi tahay in been la sheego

10. Haddii ilmahaaga cid ay isa soo dagaaleen ama wax lagu soo sameeyay kaa qariyaan sababtoo ah waxa ay ka baqayaan inaad garaacdo adigoo leh, “Ma bilaash baa canjeerada laguu siiyaa bax facaa iska soo celi”

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *