Psychology Dabeecadaha Dadka Wax ka Ogow!

1. Muran dad xiriir ka dhexeeya waxaa ugu xun kan ay ku murmaan fariin qoraal (text message) iyagoo kala maqan

2. Goortii dadku ku yiraahdaan waa is bedeshay, waxay u badan tahay 95% inaad joojisay sameynta wixi ay rabeen inaad sameyso

3. Si kastoo aad u tahay qof adag, had iyo jeer waxaa jira qof daciif kaa dhigi kara

4. Dhalin badan maanta marki ay gabar ballamaan waxay sii wacaan saacad ka hor iyagoo leh waan imi, sababtoo ah waxay is leeyihiin labiska iyo is-hagaajinta ayay ku daahaysaa adiguna wax badan ayaad taagnaaneysaa

5. Dadka qaarkii waa cajiib! Waxay soo iibsadaan waxyaabo aysan u baahneyn. Waqti badan ku lumiyaan sawiro & naftooda, si ay isu tusaan dad aan aqoon ama danahooda ku mashquulsan.

6. Waxaa suuragal ah in dadku inta badan Ixsaan kuu sameeyaan haddii aad weydiisato markay daalan yihiin.

7. Markaad wacdo nambar aad u rabto waa mashquul ama lama heli karo laakiin nambar aad ku qaldantay markaad wacdo marnaba mashquul ma noqdo, horay ayaa laga qabtaa

8. Goortii qofka ooyo, ilinta ugu horeysa hadey ka timaado isha midigta, farxad buu la ooyay. Hadey ka timaado tan u horeysa bidixda, waa murugo ama ciil. Labadaba hadey hal mar ka wada timaado waa xanuun.

9. Waxaa jira qof adigoo waxba ka sameyn ama aydinaan is aqoon iska kaa neceb. Waxayna marmarsiiyo ka dhigtaan markay sharaxayaan “Jinigeygaa neceb” ama “waa iska sanifay”

10. Dad waxaa ugu xun qofka dabagala ama faafiya sirta qof ay kala dheeraadeen, iyagoo hilmaamaya in qofkaasi aaminay, waqti fiicana wata qaateen mar ay isu dhowaayeen

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *