Philosophy & Xaqiiqo Nolosha Ah

Waxaad noqoneysaa wixi aad mar kasta ka fakirto, si joogta ahna u sameyso maalin kasta.

Madaxweyne iyo Boqor kasta Beri bay ahaayeen ilma yar oo oohin badan. Dhismaha Quruxda badan aad arkeyso mar buu ahaa Naqshad warqad ku sawiran. Shirkadaa Ganacsiga weyn dhawr sano ka hor waxay ahayd mid aan jirin. Laacibkaa ugu wanaagsan Aduunka xilli buu ahaa wiil yar oo wadada Kubad ku ciyaara.

Heer kasta oo qof nolosha ka taagan yahay, ma aha inuu ku gaaray si kedis ah ama dhaqso ah. Waxay ku qaadatay dadaal dheeri ah, halgan adag, dulqaad badan, talo saarasho Rabbi iyo aaminaad naftooda in ay gaari karaan halka ay rabaan. 

Wax kasta oo ah qeyb ka mid ah noloshaada waxay ku noqdeen sababtoo ah adigaa mar kasta ka fakirayay oo maskaxda ku hayay, ficil ahaana u sameynayay si joogta ah. 

Dadka Guuleystay waxay shaqo kasta u qabtaan iyagoo firfircoon oo ku faraxsan, xamaasad badan u haya, Subax kasta waxay xooga saaraan hawl kasta oo u taalay in ay dhameystiraan halka dadka Fashilmay ay doortaan in ay iska fadhiyaan ama iska hurdaan, waxay dareemaan caajis iyo wahsi badan, waxay ku soo jeedaan baashaal iyo madadaalo habeenki oo dhan.

Haddaba, waad gaari kartaa halka aad higsaneyso, waad guuleysan kartaa laakiin iska hubi haddii ay jiraan waxyaabo aad sameyso maalin kasta oo aan horay kuu wadin ee dib kuu dhiga. Ka fakir oo hel hab aad ku joojiso sameyntooda, noloshaadana uga saarto. Xaqiiqdii, Ficil kasta aad joogto u sameyso maalin kasta, wuxuu kugu noqdaa dabeecad, wuu kugu koraa, jihada noloshaadana bedelaa. Adiga ayaana ka mas’uul ah oo doortay waxa aad sameynayso, cidna kuma eedeyn kartid.


Xusuuso, maalinta ay tahay inaad qaadato go’aan adag, sameyso wixi aad rabtay nolosha waa Maanta!

Mahadsanidiin Asxaabta Sharafta badan 

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *