OORIDII JANNAA UBAD WACAN DHASHA Qalinkii:Ciise Maxamud (Waddani)

oori janno xilo janno ubad xaaska wanaagsanOoridu waa haweenayda xaaska ah, waa afada daboosha baahida ubadka iyo odaygeeda, waa astaanta beylah tirta caruurta, waa hoos qabaw badan oo qiimo sareeya, waa qof loogu yimaado gacaltooyo buuxda, waa hooyada hogaanka u haysa geedi socodka qoyska, waa aasaaska deganaanshaha reerka, waa taliyaha huga, hoyga,iyo hooyaatinka xaafad kasta, waa ruux naxariistu hadato, waa bashar dul iyo damiirba leh, waa shakhsi saameyn weyn ku leh jiritaanka umadda, waa dhaxal sugaha laba nin oo kala jinsiya ama kala qabiila sida, aabeheed, iyo seygeeda waa xudunta iyo xarunta bulshada,waana dhadig dhig iyo loolba u ah qaran iyo qoomiyad midkii ay ahaataba.

Hadabo waxaynu mawduucan wax kaga tilmaami doonaa faraqa u dhexeeya oorida ama xaaska wanaagsan oo loogu yeedho ”Xila janno”   ama    ”Oori janno”  iyo oorida xun, iyo waliba saameynta ay ubadka ku yeelato labada hadba kay noqoto, inagoo ka tilmaami doona 4tan qodob.

  1. Luqada: luqada iyo lagjarka xaasku ku dhaqdo odaygeeda iyo ubadkeeda ayaa noqota afka rasmiga ah ee lagaga hadlo degalka qoyskaas, maadaama hooyadu tahay tan saygeeda barta hadalada macaan kolka ay mar walba dhegihiisa ku riddo, sidoo kelena waa macalinka ilmaha xilaga dhalashadiisa kadib barta dhawaaqa ama eray dhihidda, ilaa uu noqdo mid fahma hadalka dadka, isna u jawaaba xilliga uu ku jiro labo iyo badh ilaa afar sano, taas oo ilme kastaaba ku hadaaq iyo hadal keeno weedhaha ay hooyadu ka buuxiso, waxa se, xusid mudan in xaaska xumi ay xadka akhlaaqda iyo odhaahda suuban ka suuliso ilmaha.
  2. Maamulka: habaynta,hufidda,iyo hanaaninta hawsha qoyska, diyaarinta buugta iyo baatroolka ardayda(quraacda) iyo ubadka guriga jooga, qaban qaabinta iyo qorshaha bixitaanka aabaha guriga, dhamaanba waa astaamaha xaaska wanaagsan(Oori janno) kuwaas oo cadeynaya in xaaska fiicani soo saarto ubad tababaran iyo aabohood oo tabaabushaysan, halka xaaska xumi ay ka madax adaygto wax u qabashada seygeeda iyo kala dirista ubadka iskuulka aadaya, caalamadaasina waa diif iyo dib u dhac hadyo goor ka muuqata aabaha iyo ubadkiisa ka yimi hoyga xaaska xumi gadhwadeenka u tahay.
  3. Dareenka: Ubadku waxay la qabsadaan dareenka xaafadooda ku weyn sida,salaanta, macasalaameyn, mahadcelinta, iyo raali gelinta kuwaas oo ilawsiiya waxyaabaha kele ee ay kusoo halacsadaan suuqa iyo dugsiyada qaarkood.

ficiladani waxay wataan dareemo u gaara sida dhoola cadeyn, hab isi siin, dhukasho IWM, kuwaas oo ubadka ay ku dhisi karto xaaska wanaagsani markay had iyo jeer ku sameyso hortooda sidoo kelena u sameyso iyaga iyo seygeeda, balse xaaska xumi waxay inta badan seygeeda ku salaantaa qaylo,canaan iyo mararka qaar aflagaado, waxyaabahaas oo ay ubadkuna ka qaataan cashar fool xun.

  1. Dhexdhexaadinta: xaaska wanaagsani(Oori janno) waxay dhexdhexaadisaa ubadka iyo aabohood halka ay xaaska xumi hadyo jeer ubadka ay wax xun ka aaminsiiso aabohood si aanu uga kaxaysan balaaba haday dhacdo in ay kala tagaan.

Gabo-gabo

Biya dhaca qoraalkani waa tilmaan raga wax tusaysa, dumarkana toosinaysa, waxan uga jeedaa waa in raggu dereemaan faa,idooyinka faraha badan ee afada wanaagsan si ay uga fekeraan arrimahan aan soo xusnay guurka ka hor, sidoo kele in haweenaydu usha u hayso qaab nololeedka iyo quruxda qoyska si ay ugu liibaantu aduun iyo aakhiraba

Qalinkii: Ciise Maxamuud Geelle(Waddani)

Ciisemaxamuud5@gmail.com

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *