Odhaahyo Xikmadaysan


1. Macquul ma aha in aad mudo badan u careysnaato qof aad si dhab ah u jeceshahay. Xanaaqa haduu dhaafo in ka badan saddex maalin wuxuu tilmaamayaa in aadan Jeclayn

2. Goortii qof maskaxdiisu daciif tahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa dhibaato. Goortii qof maskaxdiisu isu dheelitiran tahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa loolan. Laakiin, goortii qofka maskaxdiisu xoogan tahay, xaalad kasta waxay u noqotaa fursad

3. Adiga ayaa ka mas’uul ah farxadaada iyo noloshaada. Haddii aad ka sugto dad kale in ay farxad kuu keenaan waxaad had iyo jeer ahaanaysaa qof murugaysan

4. Goortii Ubax aad beertay soo bixi waayo, intaad soo saarto geedka Ubaxa ah ma tuurtid balse waxaad u hagaajisaa dhulka iyo ciida aad ku beertay ama waxaad ka buufisaa hadii cayayaan cunay. Noloshu waa sidaa oo kale, dhib kasta kuma xallin kartid in aad cid bedesho ama ka tagto ee waa in aad aasaaska ama waxa dhibta keenaya wax ka qabato

5. Dadka ugu Xooga badan ma aha kuwa xoogooda ku soo bandhiga dadka hortooda laakiin waa kuwa ku Guuleysta dagaalo naga qarsoon oo aynaan waxba ka ogayn

6. Saburku waa Furaha Guusha. Deg-dega iyo fudaydka waa furaha Fashilka. Guushu ma aha wax iska yimaada ama wado gaaban loo maro. Waxay rabtaa shaqo adag, dadaal joogta ah iyo dulqaad badan

7. Goortii aad ku jirto waqti adag oo ciriiri ah, Garowso in dhibaatada aan laguugu soo dirin in ay ku baabi’iso ee laguugu soo diray in aad fakirto, in aad Alle u noqoto, In waxa aad ku jirto ka baxdo, in ay ku xoojiso, In ay dambi dhaaf kuu noqoto iyo in ay sare u qaado iimaankaaga

8. Ha ku ciyaarin Qalbiga Dumarka, maxaad u marin habaabinaysaa gabar wanaagsan haddii aad ogtahay in aadan jeclayn ama u jeclaan karin sida ay u qalanto in loo jeclaado

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *