Noqo Qof Leh Han Sare

Hadii aad aragto ruux wax un adiga ku dheer marnaba ha u maseerin ( ha u hinaasin) in aad sidiisa oo kale noqoto balse Allah ( SW) waydiiso inuu ku gaarsiiyo daraja ka sareeysa halka uu joogo , waayo taasi ayaa ah Hanka sare ee looga baahan yahay qofka muslimka ah ”

Teeda kale naftaada haka dhaadhicin in ay qof kale u ogolaato inuu ka daraja sareeyo taa baddelkeed adiga ku ducayso in aad noqoto ruuxa ugu darajada sareeya , ugu aqoonta badan ugu caqliga bada waayo naftaada oo aad wax wanaagsan ka dhaadhiciso waxay keenaysaa in ay ku dhiirato siday u hanan lahayd waxa wanaagsan balse hadaad u fikirto in aad tahay ruux dadka u hooseeya oo aqoon gaaban , oo caqli liita, waxay taasi saameeyn wayn ku yeelanaysaa hadba waxa aad hanan karto .

Hadii aan tusaale yar ku soo qaato qisa yar oo dhacday

” Hada kahor waxaa la yiri laba nin oo saaxibo ah misana isku aqoon ahaa ayaa shaqa xamaal ah kawada dalbadeen gego diyaaradeed (maddaar,garoon diyaaradeed ) , kadibna labadii nin ee saaxiibada ahaa waxaa loogu yeeray bal in laga waraysto aqoonta ay u leeyihiin shaqada ay donayaan in qabtaan, Mid waliba mar ayaa lala yeeshay waraysi gaar ah kadibna waxaa la yiri
” jawaabta naga suga ”

Maalmo yar guduhood mid waliba waxaa loo soo diray warqad ka socota xafiiskii ay shaqada kawada dalbadeen , hadaba labadii nin mid kamid ah waxaa loo soo diray warqad sidaan u qoran .

” Waan ka xunahay adiga ma tihid ruuxii aan raadinaynay oo shaqadaan ka soo bixi kara sidaa awgeed codsigaagii ma aqbali karno.”

Midkii kalana waxaa loo soo diray warqad ah sidan

”Hambalyo codsigaagii waa la aqbalay , waxaadna tahay ruuxii aan raadinaynay , beritoolana waad bilaabi kartaa shaqadaada , Mahadsanid ”

Intaa kadib labadii nin ayaa is waraystay oo midkii cidsigiisii la diiday waxa uu saaxiibkii ku yiri

” war nin yahoow waa taan isku aqoon iyo isku xirfadba ahayn ee siday ku dhacday in adna lagu qaato anigana la i qaadan waayo ”

Arinku markay intaa maraysay waxay labadii nin go’aan ku qaateen bal in ay ku laabtaan xafiiskii si ay u waydiiyaan waxa midna lagu qaatay midna lagu diiday .

labadii nin ay saaxiibada ahaa waxa ay u tageen ninkii waraysiga ka qaaday waxa ayna waydiiyeen bal inuu u sharxo waxa keenay midna in ay qaataan midna ay diidaan ?

Ninkii waraysiga ka qaaday waxa uu ugu jawaabay sidan .

” Waxaan markii horeba raadinaynay hal shaqsi oo u qalma shaqadaan sidaa awgeed markaan waraysiga idinla yeelanay waxaan ogaanay aqoonta aad shaqadaan u leedihiin iyo waaya aragnimada aad ka haysataanba in ay isku mid tahay balse anagu shahaadu iyo aqoon oo kaliya dadka kuma kala saarno waxaanse eegnaa ( fiirinaa) hadba hamiga uu qofku leeyahay , Sidaa darteed su’aalihii la idin waydiiyay waxaa kamid ahayd su’aal ah .

-Waa maxay waxa aad jeceshahay in aad noqoto ? ,

Midkiin waxa uu noogu jawaabay :

” Waxaan doonayaa in aan noqdo shaqaalaha ugu wanaagsan ee ka shaqeeya halkan ”

Sidaa awgeed ayaan u diidnay in aan shaqaalaysiino ruux hamigiisa ugu wayn uu yahay weligii inuu shaqaale un ahaado .

sidoo kale isla su’aashaan waxaan waydiinay midkiin waxa uuna noogu jawaabay

” Waxaan doonayaa in aan noqdo Duuliye (baylood) ”

Sidaa awgeed waxaan u aragnay ninkaan inuu yahay qof han sare leh oo laga yaabo shaqadeena inuu isbedel wanaagsan ku soo kordhiyo taasi ayaana keentay in aan aqbalno codsigiisii.

DHAMAAD :

Muhiimada qisadaan waxa ay tahay , waa in qofku uu yeesho han sare waayo waxaa la yiri dad waxaa ugu faqrisan ruuxii riyada faqri ku ah , hadiiba aad wax ku haminaysid ku hami in aad gaartid ( gaadho) halka ugu saraysa ee qof bani aadam ah uu gaadhi karo waayo hadii aad geeriyooto adiga oo aan gaarin halki aad tiigsanaysay ogoow waxaad geeriyootay adigoo dad badan ka sareeya .

Waxaadna ogaataa hadii aad dadaasho oo aad Alle ( Sw) tala saarato waxaad noqon kartaa wixi aad doonto adigaana mudnaan doona in wanaaga lagaaga daydo hadaba iska daa in aad cidkale iska yeel yeesho adigoo laga yaabo in aad awood u yeelan karto in aad noqoto hogaanka sare .

Run ahaantii waa in aad u fikirtaa si wayn oo aan cidna ku fikirin weligeed waxay taasi ku dhexelsiinaysaa in aad gaarto daraja sare oo aad adiga dad badan ugu noqonaysid tusaale ay ku daydaan.

Ugudambayntii Waxaan Allah (SW) waydiisanaynaa inuu naga dhigo kuwa han sare leh oo hankoodu ugu wayn uu noqdo siday Janno ku heli lahaayeen.Aamiin

Hadii aan wax saxay Allah (Sw) ayaa i waafajiyaay intii aan khaldayse Shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay .

-Dhalinta-maanta

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *