Noqo hogaamiye la jecel yahay (7 Hab-Dhaqan Oo Kuu Sahlaya)

Si aad usoo jiidato dad wanaagsan oo tayo shaqsiyadeed leh, waa inaad adigu noqotaa qof leh shaqsiyad tayo badan.  Hogaamintu waa awoodda aad kusoo jiidan karto dadka kale adigoo adeegsanaya wax waliba oo kuu sahlaya.

Khidadda iyo shaxda ugu macquulsan ee aad ku noqon karto hogaamiye indha-sarcaadiya quluubta dadka waa inaad yeelataa shaqsiyad tayo badan oo aad ku kasban karto shacbiyad badan. Waxaa adiga kaa dhigi kara hogaamiye fiican waa inaad yeelataa astaamo wan-wanaagsan oo aad kaga duwan tahay dadka kale.

Waa kuwan 7 astaamood oo ay tahay in aad yeelato si aad u noqoto hogaamiye la jecel yahay:

  1. Yeelo Shaqsiyad xoogan oo edeb leh

Noqo qof leh awood shaqsiyadeed oo aad u heer saraysa. Xooji Maankaaga, muruqaaga iyo maalkaagaba. Waxa aynu dhamaanteen la jaalnahay dadka kan indheer-garadka ah, awoodda leh ee maal xalaala le iyo qalbi wanaagsan leh.

Qofna ma jecla qof ad-adag oo anshax xun isla markaana aan xeerin dhaqanka suuban ee diinteenu inagu boorinayso

  1. Naxariis Badnow

Naxariista, kal-debecsanaanta iyo u danqashada dadka kale waxay ku dhaxalsiisa in aad hesho jacaylkooda. Adiga oo aan iska dhigayn liciif hadana waa inaad xaqa u sheegtaa si naxariisi ku jirto, wax u waanisaa si naxariisleh, u hadashaa si naxariisleh. Dhaqankaaga oo dhan waa in laga arkaa naxariis, kal-furnaan iyo qalbi wanaagsanaan.

  1. Yeelo dhiiranaansho

Nolosha foolkeeda adag iyo waayaha jiidaasha badan waxa ka gudbi kara qof dhiiran asee aan axmaq ahayn. Ku dhac iyo ku dhiirasho garabsanaya ildheeri, ka baaraan deg iyo xeelad maskaxeed waxay ku solansiisaa go’aan sax ah iyo isku day midha dhal ah.

Jar-iska xoornimadu kuma jirto dhiiranaashaha hogaamiyaha wanaagsan.

  1. Baro Is-dhul dhiga

Diinteena suuban ayaa ina baraysa in aan is-dhul dhigno oo aan nafteena u aragno in ay la mid tahay dadka kale. Wax isma dheera aadmigu, qof waa qof waxa kaliya ee kala duwa waa Iimaanka iyo islaamnimada. U garab raarici qof walba.

Adiga oo aan hilmaamayn in aad u garab-raariciso dadka, ka feejignow inaad naftaada dullayso illaa aad u ogolaato in ay kugu dulsocdaan axmaqa iyo liitaaga aan garashada badnayni.

  1. Han-wayni lahaw, hase kibrin

“Jannada riixdeeda ma uriyo qofka inyaro oo kibir ahi qalbigiisa ku jiro”. Han-waynidu waa qurux iyo qiimo laakiin kibirku waa liidnimo iyo maan-gaabnimo. Han waynidu waa shidaalka iyo tamarta aad ku hiigsan karto meel sare. Han-waynidu indhaha ayay kuu furtaa kolkaasaad bulshada caawisaa, milgaysaa oo ixtiraamtaa. Kibirka (Isla-weynida) waxay kaa xidhaa indhaha kolkaasaad dadka yastaa, dhibtaa oo aad ku geftaa markaasaad qiima beeshaa.

Ilaahow kibir baanu kaa magan-galnay noocuu doono ha noqdo intuu doonose hale’kaadee.

  1. Marmar noqo Maadeeye/Shaactiroole  

Way fiican tahay in aad xilliyada qaar maadayso laakiin maaha inaad noqoto nacas. In aad noqoto qof mar waliba laga maadsado waxay hoos u dhigaysaa qiimahaaga shaqsiyadeed. Haddana, waa shay fiican in aad markii ay maangal tahay in aad maadayso.

  1. Garawso xaqiiqada nolosha –

Xaqiiqada iyo dhabta aammin si aad ugu babac dhigto nolosha oo aad uga fogaato dhalanteedka  iyo riyo maalmeedka. Dhacdo waliba oo nolosha ina soo martaa waxay leedahay hanaan iyo fool lagu garto oo ay tahay in aad ku qaabisho. Marna haka tagin oo ha u jeelin dhalanteed.

..

Mahad Ilaahay baa leh

W/Q: Cadceed Cadeysey

E-mail : cadeysey65@gmail.com

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *