Noocyo Cuntooyinka Ka Mid Ah Oo Ilkaha U Keeni Kara Midabka Jaallaha

Ilkaha bani adamka quruxdooda waxay kujirta inay midabka cad ay lahaadaan markasta, waana meelaha ugu muhiimsan ee qofka muuqaalkiisa laga qiyaas qaato , qofka kula hadlaaya si toos ah waxa uu ufiirinaya ilkahaaga iyo afkaaga hadaba si aad u ilaashato dhoolacadeyntada qurxoon iska yaree qaadashada cabitanadaan iyo cuntooyinkan soo socda :

1-Shaaha: 

Inkasta  cabbida shaaha waa mid aad u wanaagsan caafimaad ahaan, laakiin waxa ay u keentaa  ilkaha midab jaale ah , gaar ahaan shaaha madow, cilmiga casriga ah ayaa muujinaya in  shaaha iyo noocyadiisa  kala duwan  uu keeni  karo nabaad guurka dhaldhalaalka dahaarka kore ee lafta iliga .

2. Suugada:

In kastoo ay dhadhan keedu macyahaye laakiin Suugooyinka midabka buuxan leh waxay ukeenta  ilkaha madow toos ah, sidaa darteed hubi inaad doorato noocyada kale ee suugada la midab ah iftiinka iyo in la hubiyo  in ay ilkaha ka dhaqmayan  cunista kadib

3. cabitaanka Sportska:

Cabitaannada leh  acidic ( ashito) ilkaha jaale ayay ka dhigaan , baaritaanada casriga ah ayaa muujinaya in cabitaanada tamarta  ee isboortiga ay  ukeeni karaan  dhaawaca  dhaldhalaalka iliga , marka iskuday  inaad yareeyso qaadashada  sharaabkaas, hadii kale waxaad  ku bedeli kartaa biyo caadi ah, maxa yeelay biyaha caadiga ah waxay ufiicanyahiin   caafimaadkaaga guud  waxyeelo ilkahana uma gaystaan

4. Miraha Midabka Leh:

Midhaha midabka u saaxiib ah sida rummanka iyo cinabka ,kuwa lamidka ah waxa ay ka koobanyihiin maadooyin baddala dahaarka kore ee ilkaha ,waxaa lamid ah sida cabitaanada laga sameeyo miraha aan soo xusay kuwaas oo ilkaha ku reeba dhibco madmadow leh oo aan tirmayn sidaas darteed waxaa lagaga baahanyahay inaad dhaqdo ilkahaada markaad cabto cabitaanada kadib si aad u ilaashato ilkahaada midabkooda iyo xoogooda

5. Macmacaanka:
Hadaad tahay qof jecel inuu cuno markasta waxyaabaha macmacaan sida (kake) iyo xalwooyinka qaarkood oo midabka leh waxay badali karaan samaysanka quruxda ilkahaada sidaasi darteed ilaali caafimaadka ilkaha

Talooyin ugaar  ah caafimaadka ilkaha:

  • Isitcmaal daawooyinka ilkaha lagu luqluqdo oo ukeena afka carafta iyo dhaldhalaalka ilkaha
  • Markaad cunayso raashinka isku day inaad ulaqdo si dhakhso leh maxaa yeelay waxaad ka hortagaysa raashinka inuu ilkahaada ku nagaado waxbadan
  • Cadayso ilkahaada waqti kasta iyo goor kasta waa talada ugu wanaagsan ee u roon caafimaadka ilkaha

Waxaa Diyaariyay: Dr. Usama Cismaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *