7 Cunto Oo Aad Ugu Wanaagsan Ragga

In kasta oo si guud cuntooyinka waxtarka caafimaad leh ay u siman yihiin ragga iyo dumarku, haddana sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan culimada caafimaadku, waxaa jira kuwo waxtarkaas caafimaad ee ay aadamaha siiyaan sii kala tayo iyo awood badan yahay marka loo eego kala duwanaanshiyaha jinsiga.

Qormadan  oo aynu ka soo qaadannay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa qaybo ka mid ah cuntooyinka ay xeeldheerayaasha caafimaadku sheegeen in ay si gaar ah ugu sii fiican yihiin caafimaadka ragga:

Kalluunka:

Sida cilmibaadhis caafimaad xaqiijinaysoo kalluunka, gaar ahaan noocyadiisa aadka qaniga ugu sii ah duxda asiidh ee OMEGA3 ayaa ka mid ah cuntooyinka waxtarka ugu badan u leh ragga. Faa’idooyinka ay ka helaanna waxaa ka mid ah in ay ka hortag iyo difaac fiican uga noqoto cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Lawska:

Sida ku cad kutubtii laga soo gaadhay xadaaraddii Roomaaniyiintii hore, lawsku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka u fiican caafimaadka ragga, gaar ahaanna sida aadka ah u xoojiya awooddooda jinsiga.

Saliid Saytuunka:

Saliid saytuunka oo uu ninku joogtu u isticmaalaa waxa ay si weyn uga caawisaa xakamaynta iyo ka hortagga faaligga iyo dhiig-furanka maskaxda, baadhitaannada caafimaadna waxa ay xaqiijinayaan in saliid saytuuntu ay awood u leedahay ka hortagga dhiigfuranka maskaxda ku dhaca.

Koosto:

Caleenta Koostada la yidhaahdo oo ka mid ah khudradaha laga helo dalkeenna ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay xoojiso caafimaadka jinsi ee ragga, sababtuna waa maadadda Magnesium ooay aad hodan ugu tahay, waxa aanay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in maadaddanni ay kordhiso burqashada dhiigga iyo awoodda uu ku gaadhayo xubinta taranka ee ragga.

Xabxab:

Xabxabka ayaa ay inta badan khubarada ku xeeldheer nafaqada iyo faa’idooyinka caafimaad ee cuntadu ku magacaabaan Fiyaagarada (Viagra) oo ay uga jeedaan dawada magacan leh ee loo isticmaalo kordhinta awoodda jinsiga ah. sababtuna waa asiidhka Sitroolin ee xabxabka ku badan oo ay khubaradu sheegeen in ay caawiso dheeraynta waqtiga xidhiidhka jinsiga ah.

Baradhada:

Baradhadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ay khubaradu sheegeen in ay kordhiso awoodda jinsi ee ragga, iyaga oo arrintaas ku sababaynaya maadadda potassium ee barashada ku badan.

Toonta:

Toonta waxaa ku jira cunsurka selenium lagu magacaabo, oo awood u leh in uu iska caabbiyo kansarka. Gaar ahaan waxa uu ka hortagaa xanuunno badan oo kansar ah oo ragga ku dhaca, sida kansarka qanjidhka Prostate ka, Kaadi-haysta, midhicirada, caloosha, sambabbada iyo Malawadka.

waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in muddo qarniyo badan ah ay toontu ahaan jirtay shayga ugu muhiimsan ee raggu ay u isticmaalaan in ay kordhiso isla markaana firfircooni geliso xidhiidhkooda jinsiga ah, iyo sidoo kale in ay wanaajiso habka wareegga dhiigga ee qofka.

Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *