Noocyada Kala Duwan Ee Vitamin-da Iyo Waxyaabaha Ay Jirka U Taraan

Warbixino taxane ah oo ku saabsan hawlgalada dadku sameeyaan ee dhinacyada caafimaadka, Siyaasada, waxbarashada iyo dhaqaalaha. Waxa soo ururiyey Cabdillaahi Beershiya

Haddaba Fitamiinadan oo ay ka mid yihiin A, C, E,K, D, B1, B2,B3,B4, B5,B6, B7 iyo qaar kale oo la mid ah, kuwaas oo mid mid aynu uga sheekayn doono, faa’iidadooda, dhibaatadooda iyo meelaha laga helo.

Vitamin A: Faa’iidadeeda, waxyeeladeeda iyo halka laga helo

Magaca rasmiga ah ee Vitamin A-da waxa loo yaqaanaa Retinol waxaana si dabiici ah looga helaa xawayaanada, jidhka dadkuna waxa uu ka kooban yahay xadi badan oo Vitamintan ah.

Sida caadiga ah  Vitamintani maaha kuwa ku milma  biyaha ee waa kuwa ku milantaa duxda,  waxaanay ka mid  tahay Vitaminada uu jidhka dadku samaynsan karo isaga oo adeegsanaya  isku dhisyada lagu magacaabo Beta iyo Caretone oo inta badan laga helo dhammaan khudrada darayga ah ee midabkeedu u badan yahay cagaaarka iyo huruuda.

Faa’iidada Vitamin A

Vitamin A waa asaaska korida Lafaha, Ilkaha iyo guud ahaan nabadgelyada   dubka dadka, waxay xoojisaa abuurka dheecaanada jidhku isaga difaaco xanuunada, iyada oo qofka siisa firfircoonaan kana durkisa inuu hore u gaboobo.

Dhibaatada La’aanta Vitamin A

La’aanteedu waxay qofka ku saababtaa inuu yeesho habeeno amma habeenkii uu wax arki waayo waana  calaamada ugu horeysa ee lagu garto Vitamin A darada, sidoo kale waxay waxyeelo gaadhsisaa bu’da isha iyo araga marka dambana waxay sababtaa amateed xumo iyo cunta diidnimo.

Markasta oo Vitamin A-du jidhka ku sii yaraato waxa qofka ka daata timaha madaxa inta badana wuxuu jidku ku kaydiyaa labada bawdyo dushooda iyo labada jilab dushooda.

Meelaha laga Helo Vitamin A

Caanaha duxda badan leh iyo wixii ka farcama, Beerka, khudrada huruuda iyo cagaar ah iyo beedka qaybtiisa cad ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee laga helo.

Vitamin B: Faa’iidadeeda, waxyeeladeeda, Qaybeheeda iyo halka laga helo

 

Vitamin B compelex waxa lagu tilmaamaa inay tahay Vitamin keliya, inkasta oo culimada caafimaadku waqtiyadan dambe ay sheegeen inay tahay mid ka kooban siddeed qaybood oo u wada sheqeeya si wadajir ah. Vitaminadan meelaha lagu tilmaamaa in laga helo iyaga oo wada socda waxaa ka mid ah Beerka, haddii la kala saar-saarana waxa la ogaan karaa inay u wada sheqeeyaan si gaar-gaar ah, caafimaad ahaanna waxa loo yaqaan mid kasta magic u gaar ah.

Vitamin B1: Meelaha laga helo, fa’iidadeeda, dhibaatadeeda iyo qaabka ay u shaqayso:

Caafimaad ahaan Vitamin B1 waxa loo yaqaannaa Thiamine, waxaanay aad muhiim ugu tahay inay qayb laxaad leh ka ciyaarto dhammaan dhaqdhaqaaqyada jidhka ka dhex socda sida inay caawiso dhaqdhaqaaqa muruqyada iyo soo saarida jidhku u soo saarayo dheecaanka lagu magacaabo hydrochloric oo ka qaybqaata dheef shiidka jidhka.

Faa’iidada Vitamin B1:

Vitamin B1 waxay ka mid tahay kuwa ku milma biyaha, sidaa darteed jidhku ma kaydsado oo inta ugu badan waxa uu raaciyaa kaadida, taas oo sababaysa in si joogto ah jidhka loo siiyo iyada oo la isticmalayo cuntooyinka ay ku jirto.

Hadii wax yar oo Vitamin B1 ka mid ah uu jidhku kaydsado waxay ku filnaataa muddo toddobaadyo ah. Dadka u baahan waxa ugu badan carruurta marka la barbar-dhigo dadka waaweyn, inkasta oo dumarka uurka leh iyo kuwa ubadka nuujiyaaba u baahan yihiin xaddi badan oo Vitamintan ka mid ah.

Dhibaatada Vitamin B1 la’aanta:

La’aanteedu waxay sababtaa dhibaato badan oo ku timaamaa hab-dhiska neerfiska, muruqyada, caloosha iyo midhicirada, carruurtana waxaabay ka joojisaa koriinta jidhkooduna waxa uu ku dambeeyaa mid tamar daran oo aan waxba u adkaysan.

Meelaha laga Helo VitaminB1

Waxa laga helaa midhaha oo dhan, beerka, beedka iyo qaar ka mid ah khudaarta kala duwan, waxaanay culimada acaafimaadku ku tilmaameen inaanu waxba yeelin dabku. La soco

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *