Noocyada Kala Duwan Ee Tufaaxa Iyo Mid Walba Faaidooyinka U Gaarka Ah

tufaaxGeedka tufaaxu waxa uu leeyahay faa’iidooyin badan oo caafimaad waxana laga helaa qayb badan oo kamid ah fiitamiinada jidhku u baahan yahay. Hadaba geedka tufaaxa waxa uu ka kooban noocyo badan waxana kamid ah.

1- Tufaaxa Cas ee Mareekanka iyada oo uu yahay kan ugu badan ee Aduunka loo dhoofiyo ayaa uu yahay Aragiisu mid ka wanaagsan Cunistiisa yacni xaga Cunista waa lagaga wanaagsan yahay oo Tufaaxa noocaas ah waxa aad u adag Diirkiisa oo ay qalafsantahay Calalintiisu, laakiin Cadkiisa hoose ayaa waxa ku badan Biyaha iyo Sonkorta taas oo ka dhigiisay in uu ku wanaagsan yahay Casiirka.

2- Tufaaxa Cagaaran, noocan waxa ka dambaya guulihiisa iyada oo ay isu miisaaman tahay Dhanaankiisa iyo Macaankiisu, wax yaabaha u gaarka ah ee uu leeyahay waxay tahay in aanu u xumaan dhakhso waxana suura gal ah in lagu ilaaliyo Qabow mudo gaadhaysa 6 Bilood, noocan badanaa ma jecla Dadku cunistiisa Qalafsan awgeed iyada oo uu dhadhankiisu macaan yahay noocan ayaanu hadana Biyaha oo ku yar awgeed ku haboonayn Casiirka, waxa badanaa loo adeegsadaa noocan Macmacaanka la kariyo

3- Tufaaxa Hurdiga ah noocan oo ah mid aad loo jecelyahay Diirkiisa jilicsan iyo Cadkiisa jilicsan ee sida fudud loo cuni karo awgeed, wuxuuna leeyahay Biyo aad u badan, Dhadhankiisa gaarka ah iyo Midabkiisa Dahabiga ah iyo Midhihiisa waawayn ayaa waxay ka dhigayaan mid aad Dadku aad u jecel yihiin wax kasta oo lagu sameeyona ku wanaagsan ama ha ahaato Casiir ama Macmacaan ee umana baahna in wax Sonkor ah lagu daro, laakiin noocanu hadii aan Talaagada lagu ilaalin dhakhso ayuu u xumaadaa Diirkiisuna wuxuu yeeshaa duuduub.

Akhriso: 7 faaido oo cajiib ah oo laga helo tufaaxa

Sababaha ugu mihiimsan ee loo cuno tufaaxa waxa kamid ah:

1- Caafimaad: Tufaaxa cunistiisu way fududahay waana macaan yahay waxaadna ka helaysaa Awooda Jidhkaagu ku shaqayo mana laha wax Dufan ah haba yaraatee

2- Wadnaha: waxay cadayeen Diraasado badan inay ku jirto Tufaaxa Maadad saamaynta xun ka ilaalisa Jidhka ee Maadada xun ee Cholesterol taas oo ku soo ururta Xidida Dhiiga ee Jidhka

3- Caloosha: Tufaaxa waxaa ku jirta Xabada Tufaaxa ah ee uu miisaankeedu yahay dhexdhexaadka Shan meelood oo meel Fibres ka uu u baahan yahay Jidhkaagu Maalintii ee u ah lagama maarmaan nadiifinta Mashiinka Cuntada raqda.

Maskaxda: Sida lagu xusay daraasado caafimaad oo la sameeyay, cabitaanka tufaaxa ayaa ka hortaga xanuunka maskaxda ku dhaca ee xusuus la’aanta.

4- Sanbabada: Xabad Tufaax ah oo la Cuno Maalin kasta waxay xoojisaa shaqada Sanbabada waxayna yaraysaa Suurtagalada ah in uu Cancer ku dhoco Sanbabka

5- Lafaha: waxa ku jira Tufaaxa Maadad xoojisa Lafaha yaraysana Suurtagalka ah inay jilicaan oo burburaan Lafuhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *