Noloshu waa Isbedel iyo Horumar Sameyn

Nin dhalinyaro ah ayaa aad u niyad-jabsanaa. Sanad kasta wuxuu isku dayi jiray inuu isbedel sameeyo hadana waxba iskama bedelin noloshiisa, dhibaatadi heysay waxay ahayd wuxuu go’aansadaa inuu isbedel sameeyo, wuxuu isku dayaa inuu talaabo horay u qaado hadana wuu ku guuldareystaa inuu sameeyo wax isbedel ah, ma helo natiijadi uu rabay inuu arko. Waxaa ku kordha jahwareer & kadeed.

Maalin ayuu wuxuu u tagay nin Khabiir ah, wuxuu uga sheekeeyay xaalkiisi.

Khabiirki ayaa ku yiri, “Ma garanaysaa inta sano ay qaadato inuu ku koro geedka Bamboo la yiraahdo noqdana mid aad u dheer?” Sanadka u horeeya marka la beero, waa la waraabiyaa waana la bacramiyaa, waxba iskama bedelaan. Waxaa la waraabiyaa hadana la bacramiyaa sanad kale oo buuxa, sida ayaana lagu wadaa saddex sano oo kale, waxba ma dhacaan, oo geedka waa sidiisi waxba iskama bedelin. Ka dib sanadka Shanaad wuxuu geedki isku shareeraa Cirka! Lix Asbuuc gudaheed Geedki Bamboo wuxuu kor u koraa 90 feet (27 meter).

Haddaba, intee bay ku qaadatay geedkaa inuu sidaa aadka u dheer u koro? Wuxuu ninki dhalinyarada ahaa ku jawaabay, “Lix Asbuuc” Khabiirki ayaa ku yiri, “Taasi waa Khalad, Waxay ku qaadatay shan sano inuu sidaa u koro. Haddii qofki beeray joojin lahaa inuu waraabiyo, bacramiyo, ka shaqeeyo sanadki u horeeyay ama mar ka mid ah shantaa sano wuu dhiman lahaa geedka. Waxa dhacayay shantaa sano waxay ahayd; Dhulka hoostiisa shabakad weyn oo xidido ah ayaa ku sameysmayay si ay u taageeraan koritaanka Geedka bamboo.

Markaad rabto dabeecado & dhaqamo hore inaad bedesho, wuxuu Isbadalku u baahan yahay dulqaad iyo mintid (kaladayg)! Dhibic kasta oo Biyo ah farqi ayay u samaynaysay geedkaa. Sidoo kale Talaabo kasta aad u qaado si joogta ah maalin kasta raad bay reebaysaa, farqi bay sameynaysaa. Horay kama arki kartid isbedelka laakiin koriimo ayaa dhacaysa, waad la qabsaneysaa, dabeecad ayay kuu noqoneysaa, ugu dambeyntii natiijadi aad rabtay & guushi ayaad gaareysaa.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *