Noloshu waa Halgan

Xaqiiqada ah in aad halgameyso kaama dhigeyso qof aan la jeclaan karin ama u qalmin daryeel. Kaama dhigeyso qof culeys ama dul saar dad ku ah. Kaama dhigeyso qof aad u xasaasi ah ama u baahi badan. Waxay kaa dhigeysaa Bini’aadan. Qof kasta waa halgamaa. Qof kasta waxa soo mara waqtiyo adag uu la tacaalayo, mararka qaar, waan kufnaa ama guuldareysanaa. Kolki lagu jiro xillgan adag, ma nihin kuwo dadku jecel yihiin in ay ag joogaan – Taasina waa OK. Qofna si fudud looma ag joogi karo Boqolkiiba boqol ama waqti kasta. Dabcan, waxaad mararka qaar noqon kartaa mid aan farxad lahayn ama qalafsan. Dabcan, waxaad mararka qaar sameyn kartaa ama oran kartaa hadalo ay dhibsadaan ama murugo u keena kuwo kaa ag dhow.

Laakiin waxaasi dhamaantood ma aha qofka aad tahay, mana dhimayaan qiimahaagi bini’aadanimo. Xaqiiqdu waxa weeye adigoo halgamaya ayaa hadana lagu jeclaan karaa. Adigoo dhib ku dhex jira ayaa hadana lagu daryeeli karaa. Adigoo waqtiga kugu adag yahay ayaad hadana u qalantaa naxariis iyo xushmad.

Ha u oggolaan halgankaaga in uu rajo la’aan ku dhigo. Si kastoo aad u kufto, kor isu qaad. Marnaba ha quusan. Maalin kasta hubi in aad talaabo horay u qaaday. Sida Alle Quraanka inoogu sheegay culeys kasta waxaa ka dambeeya fudeyd. Si loo gudbo halganka Nolosha waxaa la kaashadaa saburka iyo Salaada, waxaa la badiyaa ducada.

Si kastoo aad halgan ugu jirto marnaba dib ha isu celin, ha noqon caajis iska fadhiya ama wax kasta ka wahsada. Ha la saaxiibin dad xun ama niyadoo kaa jabsan darteed ha u sameyn dambiyo adigoo is leh isku madadaali ama farxad gaaban ka raadi. Si kastoo aad u halgameyso iska ilaali nooc kasta oo dambi ah sababtoo ah dambiga waxaa aduunka lagu mutaa cuqubo, Aakhirana cadaab.

Noloshu waa safar gaaban waxaana lagu gudbaa Halgan adag.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *