Ninkii 4-ta Xaas Qabay Iyo Qisadii Cajiibka Ahayd

Boqor Boqoradii hore ka mid ah ayaa waxuu qabey 4 xaas, waxuu aad u jeclaa mida 4 aad jaceyl waali ah wax walbo ay ka dalbatana wuu usameyn jirey si u raali geliyo, mida 3aadna wuu jeclaa balse waxuu dareemi jirey in maalin uun ay qof kale ka raaci doonto, mida 2aadna waxey ahayd mid marka uu dhib ku dhaco usoo ordi jirey iyo waqtiga daruuftu jirto wuuna la tashan jirey, iyaduna wey laqeybsan jirtey dhibkiisa laakiin mida 1aad xaqeeda ma uusan siin jirin iyadana way jecleed,jaceyl xad dhaaf ah waxeyna u ilaalin jirtey hantidiisa, ilmihiisa iyo xaqiisa way dhowri jirtey, waxaa xanoonsadey, boqorkii waxuuna dareemey inay usoo dhawaatey geeridiisa wuxuu ku fakirey waxaan leeyahey 4 xaas mana jecli inaan qabriga kaligey galo xaskisa mida 4aad ayaa waxuu waydiyey “aniga waan kujeclahey xaasaskeyga kale adiga ayaan kaa jeclahey wax walboo rabtidna waan kuu sameyn jirey raali maka tahey inaad qabriga igu wehlisid” waxay tiri “waa wax aancaqliga galeynin” wayna ka carartey isla markiiba iyadoo waliba xanaqsan.

Tii 3aad ayaa imaatey wuxuuna ku dhahey “waan ku jeclaa inta aan is qabney waxaana ka codsana inaad ii raacdid qabriga” waxeyna tiri “Nolasha way macaantahey hadaad dhimatid nin kale ayaan iska guursana” waxaa imaatey midi 2aad wuxuuna ku yiri “mar walbo adiga ayaan kuu soo ordi jirey marka dhib I heysto manta waxaan ka codsana inaad qabriga igu wehlisid” waxayna tari “aad ayaan ugu xumahey ma awoodi inaan dalbkaaga kuu yeelo balse waxaan kuu awooda inaan qabriga ku gaarsiiyo oo kaliya”.

Boqorkii aad ayuu u murgoodey in yar ka dib wuxuu maqley cod ka imaadey meel dheer oo leh “aniga ayaa ku raacayo qabrigaaga iyo meel walboo aad tagtid” Boqorkii wuu fiiriyey qofka codkaa ka soo yeerey waxayba noqotey xaaskiisi 1aad iyadovoo daciif ah oo jirin sababtoo ah ma uusan daryeeli jirin , boqorkii aad ayuu ugu shalaayey waxuuna yiri “waxaa loo baahnaa inaan mar hore adiga ku dhowro xaqaagana ilaaliyo hadii waqti la isiin lahaa waxaan aad u jeclaan lahaa adiga waana ku daryeeli lahaa.” Xaqiiqdi qof walbo waxuu leeyahey 4 xaas…. Qisadaan Micnaheeda Wuxuu ahaa, Xaaska 4aad.. Jirka si walbo aad jirkaaga udaryeeshid mise aad raacdid shahwadaada goorta aad dhimatid way ka tagayaan islamarkiiba…Midka 3aad… Hantidaada marka aad geeryootid way ka tagayan waxeyna adayaan dadkale, Midka 2aad… Ehelkaaga iyo saaxibadaada wax walbo ay ku sameeyaan kama filaysid ilaa inay ku gaarsiyaan qabrigaaga mooyee, Midka 1aad….camalkaaga iyo iimaankaaga wanaagsan waxaa wax kuu taro waa camalkaaga ka waran hadii manta camalkaaga lagu tuso uuna yahay mid daciif oo la iloobay ?

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *