Dumarka Hada Jira Waxay Jecelyihiin In Ay Guursadaan Nin Tilmaamahaan Leh

Nolosha maantu way ka duwanta sidii hor, sidoo kale gabdhaha maanta afkaartooda iyo waxa ay ku dooranayaan ninka ay rabaan way isbadashay, waagi hore waxa ugu muhiimsan ee ay ku dooran jirtay ninka waxay ahayd waa inuu taajir ahaadaa, si uu usiiyo gabadha nolol raaxa leh, yeelatana shaqaalo iyo baabuur iyo guri, wali way jiraan gabdho saas u fakaraya laakiin ma badna sidii waagi hore.

Maanta gabdhu waxbay barataa, way shaqaysaa, lacag fiican ayaa bankiga ugu jirta, sidaas darteed uma baahna nin taajir ah, laakiin waxyaabo kale ayey muhiimada saaraysaa.

Baaritaan lasameeyay waxaa la ogaaday tilmaamaha gabadha muslimada ah ninka ay rabto inay guursato maanta inuu noqonayo sidan.

Nin Ilaahay ka cabsada oo akhlaaq leh:

Waa ka kula dhaqma xaaskiisa sida uu sheegayo quraanku, oo sita akhlaaqda nabiga MAXAMED calayhii salaam, nin siiya gabadha xuquuqdeeda uu islaamka siiyey, dardaaranka nabi MAXAMED calayhi salaam ku dhaqma sidaas darteed wuu dawraa oo wuu karaameeyaa, xifdiyaana.

Sidaas daraateed hooyooyin badan waxay yiraahdaan guurso ka Ilaahay ka baqa, ka Ilaahay ka baqa kama baqaysid.

Mid deeqsi ah:

Ninka deeqsiga ah wuxuu ku soobaxaa indhaha gabadha qurux, waxaa loo arkaa in ay nasiib badantaya gabadha guursata ninka deeqsiga ah. Kalama bakhaylo ehelkiisu waxay ubaahanyihiin, waa nin reerku waxay ubaahanyihiin ula soo orda, guriga wuxuu soo galaa isagoo gacanta wax ku sida si uu uga farxiyo xaaskiisa iyo caruurtiis.
Maalkiisa kaliya kuma aha deeqsi, laakiin akhlaaqdiisa, dareenkiis iyo jacaylkiisa ayuu deeqsi ku yahay.

Mid indhaha laabta:

Waxa ugu wayn ee dhaawaca oo guba gabadha waa haday ogaato in ninkeedu eego dumarka kale , indho ka helitan ahna siiyo dumarka kale. Kalsooni daro ayaa dhacda, hammin iyo shaki ayeyna ku noolaataa. Ninka ay rabto gabadhu waa ka indhihiisa laabta marka meesha dumarku joogaan uu joogo oo kale. Waxay ka heshaa ninka aan ujeedin gabadh kale oo aan iyada ahayn, haday doonaan haka qurux badnadeene ama haka hadal macanaadeen, iyada bas inuu ujeedo ayey jeceshahay.

Mid ixtiraama:

Waa mid ixtiraama xaaskiisa marka ehelkiisa iyo ehelkeedu lajoogaan, xataa markay kaligood yihiin. Ka ixtiraama ra’yigeeda, afkaarteeda, hadafkeeda. Mid aan xaqirin oo ula dhaqma sidii qof INSAAN ah oo afkaar, ra’yi iyo hadafleh. Waxay jecesjahay ninka ladoodaa oo rayi ka qaataa oo la tashada xaaskiisa, sida uu samayn jiray nabi MAXAMED calayhi salaam.

Mid masuuliyada qaada:

Gabadh walba markay guursato waxay rabtaa daganaansho iyo xasilooni, sidaas darteed waxay rabtaa mid culayska masuuliyada qaadeeda qaada oo ka soo baxa si ay u nasato, daganaansho ayey dareemaysaa sababtoo ah hogaamiyihii guriga ayaa xalinaya dhibaatada, tarbiyeeynaya caruurta, dhaqaalihii keenaya, wixii guriga ka xumaada hagaajinaya, kii xanuusanaya dhakhtarka ula cararaya, u adeegaya guriga.Dareensiinaya xaaskiisa inaanay wax dayacmayn madaama uu joogo.

Mid romaantik ah:

Waxa diiqada galiya gabadha waa nin aamusan oo aan dareenkiisa soo saarin,waxay rabtaa mid kaga horeeya iyada oo uu sheegta jecaylka uu uqabo, hadal macaan maqashiiya, gurigoodana ka dhiga guri uu ku jiro kaftan iyo cayaar.

Waxa ugu muhiimsan ee ay ka rabto ninkeedu waa ihtimaam iyo jacayl, koolkoolis.

ala dhaawac badanaa gabadhu markay hor istaaqto muraayada si ay isku qurxiso, isku habayso, oo u labisato ninkeeda dartiis, markuu soo galo isagiina ay latahay waxba inayna samayn ama uusan ujeedinba dadaalka ay gashay, iyadoon ka helin amaan iyo koolkoolis!.

Waa ka ku fakara inay fasax isla qaataan, wada baxaan, jeclaada in uu xaaskiisa la cidloodo.

Nin walba waxaan ku oranayaa, marabtaa in xaaskaagu baariyad kuu noqoto, markaa koolkooli oo hadalka macani afkaaga yuuna ka dhamaan, ihtimaam iyo jacaylna ka dhargi, markaa adaa arkaya natiijo cajiib ahe.

Ka xaaskiisu ku filantahay:

Gabadh walbaa waxay jeceshahay in iyada kaligeed u noqoto xaas ninkeeda, waxa ay ugu necebyihiin dumrku waa marka gabdh kale laqaybsato ninkeeda.

Ninka ay taminido gabadhu waa ka aan ku fakarin xaas kale, waa ka ku qanacsan xaaskiisa, oo waxa dumar aduunka jooga ayna qancinayn iyada mooyaane.

Waa ka xaaskiisa fahansiiya oo dareensiiya inay tahay ta ugu horeeysa noloshiisa uguna dambeeysa.Gabadh walba waxay rabtaa inay noqoto boqoradii qalbigiisa, iyada iyo caruurtoodu u noqdaan aduunkiisa waxa u qurxiyey iyaga inay yihiin.

Mid dulqaad leh:

Gabadhu mar ayey caroon kartaa ama way khaldami kartaa, ama mushkilad ayey ku jiraan,sidaas darteed waa laga maarmaan in ninku dulqaad yeesho.Guryo badan waxaa u sababay burbur nin casabi ah ( nin kulul ) oo caro badan . ninka ay gabadhu rabtaa waa mid garanaya sida carada loo qabto, mushkilad markay dhacdana si dulqaad iyo xasilooni loo xaliyo.

Mid jecel inta badan inuu guriga joogo:

Gabadhu waxay jeceshahay in ninku reerkiisa la fariisto inta uu asxaabtiisa la fariisan lahaa, haduu baxona kaxeesta caruurtiisa iyo xaaskiisa. Waa ka waqtigiisa inta badan lajooga caruurtiisa oo la cayaaro, oo marka ay seexdaana xaaskiisa lafariista oo lahadla waqtina isla qaata. Macnaheedu maaha in uu ilaabo asxaabtiis laakiin waa ka ahamiyada koowaad siiya ehelkiisa.

Inuu jikada galo:

Waxaa dhici karta in nimanku yaabaan oo ay i fahmi waayaan, laakiin gabadhu iskool ayey aadaa ama way shaqaysaa oo way soo daahi kartaa saas darteed waxay ubaahantay inuu ninka marmar caawiyo, kama aha ku shaqee isaga, laakiin waxay ka tahay icaawi oo igarab istaag. Hadii ay xanuusato midka caruurta cuntada usameeya, waa midka haday xaaskiisu ku daahdo, wax muhiima isdabari kara oo iyada aan sugin. Gabadhu maanta waxay u aragtaa ninka aan dhibaato u arkin inuu xaaskiisa caawiyo oo dhaqanku wuxuu oranayo aan ku fakarayn inuu yahay mid naftiisa ku kalsoon, oo u caawinaya si uu usiiyo xaaskiisa gacan, una fududeeyo hadii iyada wax ku dhacaan, una caawiyo ehelkiisa sida uu ahaan jiray nabi MAXAMED calayki salaam.

WQ: Sucaad. A. Maxammed

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *