Nala Baro Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Shaaha Cagaaran

faaiidooyinka shaaha cagaaranCaleenta cagaaran ama shaahu waa mid kamida waxyaabaha ugu qiimaha badan islamarkaana si balaadhan loo isticmaalo caalamka guud ahaan marka laga tago inay tahay cabitaan macaan, Caleenta cagaarani waxay leedahay faaiidooyin caafimaad oo badan waana maado ka hor tagta xanuuno badan oo ay keenaan (viral-infection) ama caabuqa fayreska,(antioxidant) oo ah maado ka saarto hawada cuntada islamarkaana ka hor tagta in cuntadu xumaato, Shaahu wuxuu yareeyaa xanuunada loo yaqaano [inflammatory disease) iyo xanuuno badan oo afka ku dhaca oo ay cayayaan sababaan.

Maadooyinka ku jira shaaha cagaaran waxay daawo ka yihiin ama ay hoos u dhigaan xanuunada loo yaqaano (chronic diseases) ama xanuunada mudada dheer soo jiitama iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ay keenaan sidaas daradeed hadaad joogtayso isticmaalka shaaha wuxuu kor u qaadayaa caafimaadkaga, kaliya saddex ama afar koob oo shaaha maalintii waxay wax wayn ka taraysaa xaladaada caafimaad.

Qaar kamida faaiidooyinka shaaha cagaaran:

1. Wuxuu kor uqaada caafimaadka maskaxda
Maskaxdeenu waxay ubaahan tahay dhiig caafimaad qaba kuna filan oo gaadha si ay si fiican ugu shaqayso inagoo tix raacayna daraasad laga sameeyay dalka swerland ayaa waxay iftiimisay in dadka shaahaan cabaa ay xaga xasuusta iyo qabashada shaqadaba kaga fiican yihiin kuwa aan cabin shaaha, Waxaa kale oo la ogaaday in shaahu uu xidho islamarkaana baabiiyo waxayaabaha ay ka abuurmaan xanuunada loo yaqaano (alzheimer’s and parkinson’s) waana labada xanuun ee maskaxda ku dhaca maskaxda, waxaa kale oo la ogaaday in caleenta cagaaran ama shaahu uu hoos u dhigo inay soo dedegaan xanuunadan maskaxda ku dhaca ee (alzheimer’s and parkinson’s) waxaana shaahaan ku jirta maado ka hortagta inay dareemayasha maskaxdu lumiyaan xasuusta, waxaana muhiima inaad maalintii cabto laba ama saddex koob oo shaaha.

Akhriso: Sida loo kobciyo caafimaadka maskaxda

2. Waxaa uu shaahu hoos udhigaa sonkorta ku jirta jidhka(blood glucose level)

Shaaha cagaaran wuxuu jidhka ka caawiyaa in sonkorta ku jirtaa ay dhexdhexaad ahaato gaar ahaan dadka qaba macaanka. maadada loo yaqaano(polyphenols) ee shaaha cagaaran laga helaa waxay nuugtaa sonkorta macaankalabadiisa noocba (type 1 $ 2 diabetes.)

Sidoo kale caleenta cagaaran ee shaahu waxay carisaa maadada loo yaqaano (insulin) ama dheecaanka jidhku soo daayo si uu hoos ugu dhigo sonkorta jidhka ku jrta gaar ahaan nooca kowaad type 1 diabetes.)

Nooca labaad ee macaanka ama (type 2 diabetes.) waxaa ay caleenta cagaaran ee shaahaan ka hortagtaa mushkilahadaha uu keeno macaanku sida kuwa uu ku keeno indhaha , kelyaha, iyo wadnaha, caleenta cagaaran waa mid kamida waxyaabaha ugu muhiimsan ee qofka macaanka qabaa cuntooyinkiisa ku darsanaayo.

3. Caleenta cagaaran waxay hoos u dhigtaa baruurta jidhka ku jirta( level of cholesterol)

Caleenta cagaaran ee shaahu waxay si waxtar leh hoos ugu dhigtaa bad cholesterol oo ah ta aan loo baahnayn waxayna kor uqaada hdl cholesterol, Cilmi baadhsiyo la sameeyay ayaa daaha ka rogay in caleenta cagaaran ee shaahu wax wayn ka tarto islamarkaana hoos udhigto , jidhkana ka saarto (low-density lipoprotein (ldl) cholesterol, the “bad” cholesterol.) oo ah baruurta aan loo baahnayn.sidaa si lamidana waxay kor uqaada ama ay caawisaa (high-density lipoprotein (hdl), which is considered “good.) oo ah baruurta jidhkeenu ubaahan yahay.

5. Caleenta cagaaraan (shaaha) wuxuu ilaaliya culayska jidhka

cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyay ayaa waxay daaha ka rogeen in caleenta cagaaran ay hoos u dhigto duxda jidhka , gaar ahaan duxda caloosha .waxaa kale oo ay hoos udhigtaa celceliska duxda jidhka,culayska jidhka .sidoo kale maadada loo yaqaano(catechins) ee shaaha laga helo waxay kulaylisa jidhka ,taasooo ka saartaa cuntooyinka dheeraad ka ah ee aan loo baahnayn.maadada kale ee loo yaqaano(polyphenol) waxay iyaduna fududaysaa in jidhku duxda u bedelo awood uu isticmaalo.

6. Shaaha cagaaran wuxuu ka hor taaga inay timuhu daataan(prevents hair loss)

Shaaha waxaa ku jirta maado ka hor tagta inay timuhu daataan waxaa kale oo shaahu ka qayb qaataa inay timuhu dib usoo baxaan , maadada loo yaqaano(polyphenol catechins) kuwaas oo ka hor taga inay timuhu lumaan.sidaa si lamida maadada kale ee loo yaqaano (epigallocatechin gallate (egcg) waxay carisaa inay timuhu dib usoo baxaaan.maalin kasta inaad dhawr koob oo shaaha oo aad cabtaa waxay kaa caawinaysaa inay timahaagu nafaqo yeeshaan.

7 shaahaan wuxuu ka hortagaa gabawga

Maado loo yaqaano polyphenols, ayaa la ogaaday inay ka hortagto sidoo kale gabawga waxayna caawisaa caafimaadka jidhaka, sidoo kale maadada loo yaqaano oligomeric proanthocyanidins waa maado shaaha laga helo oo da yaraysa dadka shhaha caba waana sababta maadadan loogu daro waxyaabaha ay dumarku isku qurxiyaan

8 Wuxuu shaahaan hoos udhigaa dhiig karka

cabitaanka joogtada ahi waxay hoos dhigtaa dhiig karka, cilmi baadhisyo la sameeyay ayaa waxay daaha ka rogeen in dadka caba koob ama koob badhkii muddo sanad ah ay taasi hoos udhigtay khatarta inuu dhiig kar ku dhici karo 46% marka la barbar dhigo kuwa aan shaaha cagaaran cabin.

9 Shaaha cagaaran wuxuu ka hor tagaa kansarka

Cilmi baadhisyo kala duwan oo la sameeyay ayaa waxay daaha ka rogtay maadooyin kala duwan oo shaaha ku jira kuwaas oo hoos udhiga khatarta kansarka ku dhaca naasaha,qanjidhka kaadida ee raga ama (prostate) caloosha,kaadi haysta ama bladderka ,iyo sambabada

Xaqiiqdii maadooyinka loo yaqaano the antioxidants waxay 100 jeer ka waxtar badan yihiin vitamin c ,sidaa si lamida waxay 24 jeer ka wax tar badan yihiin vitamin e sidaas daradeed qofba qofku ka shaaha cab badan yahay ayuu uga halis yar yahay cancerka

 

Qoristii Iyo Turjumadii.  Mohamed Yusuf Nuur Amareh

Xigasho. http://www.nature.com/ejcn/journal/v66/n11/full/ejcn2012105a.html
http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/9795966
http://www.sciencedaily.com/releases/2003/04/030425071800.htm
http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC2569505/

Check Also

shaaha liinta leh, shaaha liinta lagu daro, lemon tea

Sirta Caafimaad Iyo Shaaha Liinta Leh

Shaahu wuu noocyo badan yahay faaidadiisana waxay ku xiran tahay hadba nooca caleenta la isticmaalay. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *