Nadiifinta Iyo Hagaajinta Jikada

Soonka kadib waa muhiim in jikada la nadiifiyo sababtoo ah cunto badan ayaa la kariyaa xiliga ramadaanka, saliid iyo qiiq  badan ayaa wasakheeyaa jikada dadkuna ma hayaan energy fiican oo ay ku hajaajiyaan xiligaas.

Hadaba Hafza Hassan ayaa maanta natusinaysa nadiifinta iyo hagaajinta jikada iyo alaabta taalla, sida tallaagada, microwave ka, armaajooyinka, foornada caagga qashinka iwm.

Foornada waxaa lagu dhaqi karaa kicisada burka (baking soda)  khalka tufaaxa, iyo shaambada alaabta lagy dhaqo. Sidoo kale waxaad marin kartaa inyar oo saliid saytuun ah. Alaabtaan dabiiciga ah urka iyo wasakhda way dilaan wayna kuu carfinayaan jikada iyo gurigaba, sidoo kale wax dhibaato ah uma keenayaan caruurta iyo dadka qaba xasaasiyada.

Daawasho wanaagsan:

Check Also

Hilib Shiilan Oo Aad U Macaan

Assalaamu calekum, walaalaha qaaliga ah soo dhowaada meel kastoo aad dunida ka joogtaan, waa mar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *