Muxuu Taraa Geedka Moringa?

geedka moringa daryeel caafimaadGeedka loo yaqaan Moringa, cilmi ahaana loo yaqaan (Moringa oleifera) wuxuu ka mid yahay geedaha aadka loogu isticmaalo dhanka caafimaadka isagoo daawo u ah cuduro badan, sidaa darteed ayaa lagu magacaabay magaca ah geedka mucjisada(miracle tree).

Geedkaan ayaa loo isticmaalaa caleentiisa iyo mirihiisa daawo ahaan. Caleentiisa waxaa inta la shiido laga dhigaa budo (powder) ka dibna la isticmaalaa.

-Budada waxaa lagu dari karaa bakeeri biyo qandac ah, caano, cabitaan ama cuntada la cuno.
-Waxaa kale oo laga sameeyaa budada caleenta geedka moringa marka la shiido kaabsol (capsule).
-Miraha geedka moringa-ha waxaa laga sameyaa saliid, taasoo faa’iidooyin badan u leh cafimaadka bini’aadamka.
-Saliida geedka moringa oo loo yaqaano (Ben oil) ayaa aad ugu fiican maqaarka aadna u qurxisaa.

Hadaba waxaa ka mid ah faa’iidooyinka caafimaad ee geedkaa moringa:

Waxaa uu jirka siiyaa dhammaan nafaqada uu u baahan yahay.

waxaa la xaqiijiyey in geedkaan 2-7 jeer uu ka xoog badan yahay fitamiinada A, C, B-complex, minerals: Calcium, Iron, Potassium, Zinc, Proteins ee ku jira cuntooyinka kale sida: caanaha, mooska, karootada.

Faa’iidooyinkiisa kale waxaa ka mid ah:

  • wuxuu xoojiyaa difaaca jirka.
  • wuxuu siiyaa jirka nafaqo kordhiyaana aragga iyo maskaxda.
  • wuxuu kor u qaadaa dhismaha unugyada jirka.
  • wuxuu la dagaalamaa kolostoroolka(dufanka dhiigga).
  • wuxuu xoojiyaa shaqada beerka iyo kelyaha.
  • wuxuu qurxiyaa maqaarka jirka.
  • wuxuu xoojiyaa tamarta jirka.
  • wuxuu hagaajiyaa dheefshiidka jirka.
  • wuxuu ka saaraa jirka waxyaabaha sunta ah.
  • wuxuu hagaajiyaa habdhiska wareegga dhiigga.
  • waa xanuun baabi’iye.
  • wuxuu u fiican yahay dadka qaba sonkoroowga iyo dhiig karka.
  • wuxuu u fiican yahay caafimaadka guud ee jirka.

Geedka Moringa waa geed asalkiisu ka soo jeedo dhulka hindida, waxayna u isticmaali jireen weligood in ay ku daaweeyaan xanuuno badan, waana geed meelo badan ka bixi karo haddii lagu beero oo ay ka mid tahay dhulalka soomaaliya, wayna jiraan dad guryahooda ku beertay s ay uga faa’ideystaan.

Haddii aad leedahay xanuunka wadnaha, sonkorta, dhiig-karka ama kolestaroolka, waa in geedkaan la saaxiibtaa.
Haddii ay nafaqo darri jirto ama cunnadaada aysan isu dheelli tirnayn iyaduna waa kuu muhiim in aad cunnada ku darsato

Check Also

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka

Cuntooyinka Sababa Cudurka Kansarka Ee ay Tahay Inaad Ka Fogaato

Kansarku waa kelmad balaadhan oo loo isticmaalo noocyo badan oo cudurro ah kuwaas oo la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *