Muuska Iyo Muhiimadda Uu U Leeyahay Ragga

muuskaCilmi baaris dhawaan ay sameeyeen Aqoonyahanno ku xeel dheer Cunada iyo faa’idooyinkeeda ayaa waxay ku ogaadeen in Muuska uu ka koobanyahay walxo kobcinaya Caafimaadka Jireed iyo midka Maskaxeed ee Ragga, taas oo sidoo kalena kordhinaysa Awoodda Raganimo iyo Damaca Gogosha ee Ragga.

Milanka Xubnaha Cunada Dabiiciga ah ee ku jira Muuska ayeey Cilmi baaristu sheegtay inay kordhinayaan Caadifadda ama Rabitaanka Xiriirka Gogosha, iyadoo sidoo kalena xoojinaysa Jacaylka ay Lamaanuhu isku qabaan.

Waxaa xusid mudan in Cilmi baaristan lagu tijaabiyay illaa 148 Rag ah oo ku kala nool Jarmalka, iyo Faransiiska, waxaana ay howshu socotay 4 Bilood oo ay Raggaasu cunayeen 4 illaa 6 Moos Maalintiiba iyagoo ku cabaya hadba Cabitaanka ay jecelyihiin.

Xigasho: Lancet journal of health

Check Also

Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Muusku Jidhkeenna U Leeyahay

Muusku waa mid kamid ah khudaarta ugu caansan uguna waxtarka badan xaga caafimaadka ee laga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *